Diyaarad Maraykanku Leeyay Oo Jabuuti Ku Burburtay

0
551 views
Saldhigyada Maraynka Iyo Shiinaha Ee Jabuuti Oo Khilaaf Culus Soo Kala Dhexgalay

Diyaarad Maraykanku Leeyay Oo Jabuuti Ku Burburtay

Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamadda badda Maraykanka ee Saldhigga Jabuuti ayaa burburtay galabnimadii Salaasada iyada oo ka duulaysay madaarka caalamiga ah ee Ambouli ee Jabuuti ku yaalla. Diyaaradda ayaa ku hawlanayd dhoolatus ama tababar ciidan.

Diyaaradda oo sii kacaysay ayaa la sheegay in si degdeg ah afkeedu kor u kacay taasna sababtay in xakamaynta diyaaraddu ka faro baxdo bayloodka. Waxa la sheegay in uu diyaaradda ka soo booday iyada oo u muuqata in uu shilkaasi ku dhalliilan yahay wadaha diyaaraddu.

Shilkan ayaa sababay in tababarka ciidan hakad galo 24 saacdood iyada oo intaas kadib dib loo bilaabayo.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in caafimaadka wadaha diyaaradu caadi ahaa islamarkaana uu hadda fiican yahay.

Ciidamada Saldhigga ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in aanu shilka diyaaraddu waxba yeelin dadka dhulka joogay, islamarkaana aanu khasaare hantiyeed gaysan. Waxay sheegeen in garoonku yahay mid furan oo shaqaynaya, islamarkaana shilkaasi la baadhayo sababtiisa.

Marine AV-8B Harrier Crashes in Djibouti, Pilot in Stable Condition

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.