Diyaarad Imaaraad Ah Oo Boosaaso Lagu Haysto

0
734 views
Diyaarad Imaaraad Ah Oo Boosaaso Lagu Haysto

Diyaarad Imaaraad Ah Oo Boosaaso Lagu Haysto

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee magaaladaasi ay ku xayireen garoonka diyaaradaha Boosaaso diyaarad laga leeyahay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Diyaaradan ayaa loo diiday inay ka duusho garoonka diyaaradaha kadib markii ay diideen in la baadho boorsooyinka ay wateen  qaar kamid ah ciidamada Imaaraadka oo tababara ciidamada maamul goboleedka Puntland.

Is afgaranwaa ayaa dhex maray ilaalada garoonka iyo dadkii raaci lahaa diyaarada waxaana weli xayiran diyaaradaasi kadib markii ay ka madax adegyeen saraakiisha imaaraadka carabta in la baadho boorsooyinka iyo waxyaalaha kale  ee ay wateen.

Majiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee la xidhiidha xayiraada diyaaradan loo geystey.

Xidhiidhka dowlada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii xumaanayay tan iyo markii dhowaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagu qabtay lacag malaayin doolar ah taasoo sababtay in labada dal ay hadalo kulul isweydaadhsadaan.

Waxa maanta la filayay in saraakiisha Imaaraadka ee tababara ciidamada badda Puntland ka baxaan kadib markii is afgaran waaga labada dal meel xun gaadhay. Puntland ayaa la sheegay in ay ka dhego adaygtay in ay garab istaagto Imaaraadka taas oo sababtay in saraakiisha Imaaraadku faraha ka qaadan ciidamada ay maalgalin jireen ee badda Puntland.

Source: Jowhar

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here