Diintu maxay ka qabtaa in qofka jaceylkiisa xalaasha ah muujiyo?

0
543 views
Diintu maxay ka qabtaa in qofka jaceylkiisa xalaasha ah muujiyo?

Diintu maxay ka qabtaa in qofka jaceylkiisa xalaasha ah muujiyo?

CODSI INTA AADAN AKHRIN:
1- ADOON WADA AKHRIN LIKE AMA COMMENTS HA KA BIXIN.
2- Qormadan uma qorin in la iisoo qoro ha u joojin, ha u bixin iyo erayo tacsi ah, lakiin waxaan u qoray in dadka qaar uga baxaan mugdiga ay ku jiraan.

Su’aashan in aan ka Jawaabo waxaa keenay marka aan arkay dad dhibsanaya marka ay arkaan lamaane muujiyanaya farxadooda jeceyl. Waxaa jira Dadka qaar ayagoo magac diin adeegsanaya raba inay ceeb iyo dambi ka dhigaan in jeceylka la muujiyo.

Run ahaan waxaa badan inta ku faraxda isla markaana duco iyo hambalyo hawada u mariya inta is jecel. ALLOW KUWAAS BADI.

Muslimiinta oo dhan waxay ogyihiin in Nabiga aad u jeclaa xaasaskiisa, wuxuuna aad u sii jeclaa INTA NOOL Caaisha. Arintaas haday tahay mid khaas ah xagee laga ogaaday? Bal saxaabigii weynaa Camr ibnu Caas wuxuu si toos ah Nabiga Salllaahu calayhi wasallam u weydiiyay:
‎أي الناس أحب إليك؟ قال: عائشة، قلت: من الرجال؟ قال: أبوها، قلت ثم من؟ قال: ثم عمر بن الخطاب.. فعدَّ رجالاً. متفق عليه.

Dadka yaad ugu jeceshay? Wuxuu yidhi Caaisha, waxaan ku idhi: Ragga yaad ugu jeceshay? Wuxuu yidhi: Caaisha Aabaheed, yaa ku xiga? Wuxuu yidhi Cumar binu Khadhaab…. waa xadiis saxiix ah.

Sida muuqata saxaabigas muusan filayn in uu Nabiga ku jawaabi doono Caaisha, lakiin Nabiga muusan la gabban Jawaabtii.

Halkaas waxaa Ka cad in qofku sheegto oo ku faano jeceylkiisa xalaasha ah in ay tahay mid banaan.

Bal aan isla eegno Jeceylkii Nabiga uu u qabay Khadiija iyo ficil radintii Caaisha.

‎ما غرت على أحد من نساء النبي صلى الله عليه وسلم ما غرت على خديجة، وما رأيتها، ولكن كان النبي صلى الله عليه وسلم يكثر ذكرها، وربما ذبح شاة ثم يقطعها أعضاء ثم يبعثها في صدائق خديجة، فربما قلت له: كأنه لم يكن في الدنيا امرأة إلا خديجة فيقول: إنها كانت وكانت وكان لي منها الولد. متفق علي

Caisha waxay tidhi sida aan Khadiija uga maseyray ugama aanan masayrin, dumarka uu udhaxay Nabiga, xataa ma arag bay tidhi(noolal kuma soo gaarin), lakiin Nabiga sida uu ujeclaa hadal haynta uu hadal hayo aad bay u badnayd, wuxuu wanaajin jiray saxiibadeed oo neefka la qasho wax buu ka siin jiray. Waxaa dhici jirtay in marmarka qaar aan ku dhaho OO WAXAADBA MOODAA INAYSAN ADUUNKA SOO MARIN HAWEENEY AAN KHADIIJO AHAYN!! Markaas buu difaaci jiray oo dhan jiray saas iyo saas bay ahayd, oo caruur buu Allaah iga siiyay.

Dad qaar waxaa jira ku odhanaya maxaad noogu sheegi, qarso, qaar ay isaga furantahay oo aayad qur’aan aan booskoodii joogin iska soo daliishananaya.

Waxaan sii galay profilka kuwa comments negative ah bixiyay oo daliil qur’aan ah sii raaciyay, saa waxaa u saaran sawiro ajaanib is shuminaya oo love jilayaa 😂😂. Soomaalina waa ku soo boodayaan.

HADUU KHAYRU KHALQILLAAH SAAS AHAA, ASAGA AYAA MUDAN KU DAYASHO.

Ugu dambeyn naftaada bar wanaaga, noqo Qof positive ah, ilaahay ka bari inuu ku siiyo farxad, iska ilaali xasadka adiga oo is ogayn yuusan kuu soo dhuuman.

Shaydaanka iska NAAR, intii is jecel ilaahay ya isu barakeeyo, intii aan haysan ilaahay ha siiyo.

Jeceylka faafiya,

Naasir Cadceed

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here