Diin Xorriyaddiisa Loo Celiyay Iyo 5 Nin Oo La Xukumay

0
569 views
Diin Xorriyaddiisa Loo Celiyay Iyo 5 Nin Oo La Xukumay

Diin Xorriyaddiisa Loo Celiyay Iyo 5 Nin Oo La Xukumay

Maxkamadda gobolka Maroodijeex ayaa maanta xukunno ku riday Cabdicasiis Xaamud Maxamed, Sidiiq Cismaan Cali, Cismaan Cumar Yuusuf, Cabdirisaaq Faarax Ciise iyo Cabdicasiis Mooge Diiriye oo lagu helay dambi ah in ay ka ganacsanayeen xayawaanka Diinka. Nimankan oo laba ka mid ah maqaneyaal yihiin waxa lagu xukumay min saddex sanno oo xadhig ah oo aan iib lahayn, Min saddex milyan oo lacag ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale gaadhigii lagu siday Diinka oo ah Dukhaan ku xukuntay saddex milyan oo ganaax ah iyo in qaranku la wareego haddii mar dambe lagu qabto dambigan. Maxkamaddu waxay xorriyaddooda u celisay diinka oo ay ku wareejisay wasaaradda degaanka si ay u daryeesho.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.