Dib U Milicso 11 Madaxweyne Oo Kilalka 5-aad Soo Maray Sidii Xilka Looga Tukhaan-tukhiyay

0
987 views
Cabdi Ilay Maxkamadda La Hor Keenay

Dib U Milicso 11 Madaxweyne Oo Kilalka 5-aad Soo Maray Sidii Xilka Looga Tukhaan-tukhiyay
Addis-Ababa (Sayruuq) 11-kii Madaxweyne ee soo maray Dowlada Deegaanka Soomalida Itoobiya, isla markaana xiliyada kala duwan soo Hoggaamiyey Deegaanka, ayaa dhammaantood ay Dowlada dhexe ee Itoobiya xilalka uga qaaday qaab isku mid ah oo khasaba, iyada oo xilka qaadistaas ka dibna xabsiga u taxaabta, laga soo bilaabo Madaxweynihii ugu horeeyey ilaa kii ugu Dambeeyey ee Cabdi iley, wallow Inta la ogyahay taariikhda ay Madaxynayaasha qaar ka baxsadeen xadhigaasi halka ay qaarn ku dhinteen xabsiyada itoobiya.

Haddaba Wargeysa Waaberi ayaa warbixin uu ku soo ururiyey Madaxweynayaashii soo maray Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Magac-yadoodii, mudadii ay xilka hayeen iyo qaabkii looga qaaday xilalka
1-Madaxweyne Abdullahi Mohamed Sacdi. waa ninkii ugu Horeeyay ee Madaxwayne ka noqda Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya, waxaana Doortay Baarlamaankii Degaankaas Taariikhdu Markay ahayd 23/1/1993) , kaasi oo xilka looga qaaday si jujuuba ama qasab ah Bishii 11-aad 1993, isagoo ka baxsaday xadhiga lala damacsanaa isagoo galay Dalka Ingiriiska , halkaas oo uu ku geeriyooday ilaahay ha-unaxariistee Sanadkii 2007-dii

2-Madaxweyne Xassan Jire Qalinle waxa uu ahaa Madaxweyihii labaad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, isagoo xilka hayey mudo sanad ah (1993—–April 1994). Madaxwayne Qalinle waxaa loo taxaabay Xabsiyada Adis-ababa kadibna halkaas oo uu ku geeriyooday sida la sheegay Ilaahay ha-unaxariistee.

3-Madaxweyne Cabdirahman Ugaas Muhumed Qani waa Madaxweynihii 3 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuuna xilka haye intii u dhaxaysay (April-1994—-1995), waxa xilka laga tuuray isagoo aan dhammaysan, isla markaana Ciidamada Fadaraalka ayaa u taxaabay Xabsi ku yaala Degmada Goday, halkaas oo laga sii daayey sanadkii 2008 , isagoo intaasi ka dabi ka firdhaday Dalka Itoobiya.

4- Madaxweyne Axmed Makaahiil Xuseen, waa Madaxweynihii 4 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya (1995) Madaxweyne Makaahiil wuxuu xilka Madaxwaynenimo hayey muddo 4 bilood iyo badh, iyadoo intaa kadib Xilkii laga Xayuubiyey, isla markaana loo taxaabay Xabsiga.

5- Madaxweyne Ciid Daahir Faarax, wuxuu ahaa Madaxweynihii 5 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuuna xilka haye intii u dhaxaysay sanadahan (June-1995——Oct-1997). Isaga kamay qaadin Dowlada dhexe ee Itoobiya, balse waxa Afganbi ku sameeyay Rag uu Hor kacayo Mahdi Ayuub Guuleed, Isagoo Madaxweyne Ciid Daahir usoo Baxsaday Dhanka Hargeysa, kaasi oo mar dambe oo uu ku laabtay Itoobiya Xabsiga la dhigay, halkaasi oo ku xidhnaa muddo, hasayeeshee Markii xabsiga laga soo daayey waxa uu soo aaday Magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu ku noolaa .

6- Madaxweyne Khadar Macalin Cali, wuxuu ahaa Madaxweynihii 6 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuuna xilka hayey intii u dhaxaysay sanadahan (Oct-1997—–Oct-2000). Khadar Markii Xilka laga xayuubiyay kadib waxaa ladhigay Jeelka Ciqaabta badan ee loogu yeedhi jiray Jeel Ogaadeen, Jeelkan oo la dhisay wakhtigii uu Madaxweynaha Khadar ahaa,iyadoo uu laba sano oo ciqaab ah ku xidhnaa halkaas, balse laga sii daayey mar dambe.

7-Madaxweyne Cabdirashiid Duulane, wuxuu ahaa Madaxweynihii 7 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuuna xilka hayey intii u dhaxaysay sanadahan (Oct-2000——21-July-2003), waxa xilka looga qaaday is qasab ah , iyadoo kal fadhi ay dabada ka riixayso Dowlada Dhexe u qabatay xubnihii hoggaanka Xisbiga maamulka Somaalida Itoobiya, kuwaas oo u codeeyey xilka qaadistiisa, balse lama xidhin Madaxwweyne Cabdirashiid, waxaanu u socdaal Dalka ingiriiska, isagoo shaqaale la noqday Safaarada Ethiopia ee dalka UK,

8- Madaxweyne Cabdi Jibriil Cali, wuxuu ahaa Madaxweynihii 8 aad ee Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya wuxuuna xilka hayey intii u dhaxaysay sanadahan (July-2003—– Oct-2005) Madaxweyne Cabdi Jibriil waxa uu xilka hayey isna laba sano, waxaana looga tuuray si lamid ah Madaxweynayaashii ka horeeyey isaga , balse lama xidhin

9- Madaxweyne Cabdullahi Xassan Muxumed “Lugbuur” Waxa uu ahaa Madaxweyihii 9 aad Ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaaso oo xilka hayey intii u dhaxaysay sanadahan (Oct-2005—Nov-2008), Madaxweyne Cabdilaahi Xasan waxa xilka looga qaaday, ka dib markii khilaaf gacan ku rimis lagu soo dhex-tuuray maamuka Dowlada Soomaalida Itoobiya, kaasi oo laba garab loogu kala baxay, balse garabkiisii laga xoog batay isagoo sidaas-na xilkii lagaga qaaday, iyadoo xilka qaadistiisa ka dib loo diyaariyey xabsi , balse uu u baxsaday Dalka New Zealand, halkaasi oo nafta ku aaminay

10-Madaxweyne Daa’uud Maxamed Cali loo yaqaanay Daa’uud Axmaar, waxa uu ahaa Madaxweynihii 10 aad ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya soo maray, wuxuu hayey xilka intii u dhaxaysay sanadahan (Nov-2008—july-2010), waxaana isna Xilkii looga xayuubiyay noocii Caadada u ahayd Maamulka Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu u baxsaday dhanka magaalada Adis-ababa , ka dib markii uu ka war helay in lagu xidhayo jig-jga

11- Cabdi Maxamuud Cumar “Cabdi ilay “ wuxuu ahaa Madaxweynihii 11 aad oo Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya , wuxuuna xillka hayey intii u dhaxaysay sanadihii (July-2010 –Ogos -2018-ka). Isagoo isla bishan aynu ku jirno xilka looga qaaday qaabkii Madaxweynayaashii ka horeeyey, isla markaana ay ciidanka booliska Itoobiya ay 27-kii bishan Ogows xabsiga u taxaabeen.

Si kastaba-ha-ahaatee Madaxweyneyaashii soo maraya Dowlada Deegaanka Itoobiya, ayaa dhammaan too xilka looga qaaday qaab isku mid ah iyadoo Dowladii kala dambeeyey ee fadaraalka Itoobiya u mareen jid isku mid ah arrintaas, isla markaana ay marka ay xilka ka qadaan Madaxweyne deegaanka Soomalida itoobiya u taxaabaan xasbi, waxay ugu dambeeyey Cabdi Maxamuud Cumar, waxaanu raysal wasaare Abye mariyey jidii Madaxweynayaashii hore ee deegaanka Soomalida la mirin jiray, iyadoo Madaxweyne Cabdi iley xilka qaadistii ka dib maalintoo doraad Xabsiga loo taxaabay, waxaynu dhawrna halka ay sal dhigato xaajadu iyo jidkaa in la marin doono Madaxweyne cusub ee deegaanka Soomaalida Itoobiya marka la arko inuu ka hor imanayo danaha fadaraalka Itoobiya.

Source: Wargeyska Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.