Dib U Daawo Weedhihii Muuse Biixi Ee Quluubta Ka Xagtay Taageerayaasha Waddani Xilligii Ololaha

0
72 views
M. Muuse Biixi

Hargeysa(Sayruuq) Xiisadda colaadeed ee ka taaggan xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya ayaa banaanka keenay kala qaybsanaan gudaha Somaliland ka jirta. Waa markii u horaysay ee bulshada Somaliland ku kala qaybsanto qaddiyadda, islamarkaana dadka qaar sax u arkaan farogelinta Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland siiba gobollada Sool iyo Sanaag.

Boqolaal taageerayaasha Waddani ah ayaa baraha bulshada ku baahiyay in dagaalka ka dhacay Tukaraq ee u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya yahay mid gardarro ay Somaliland waddo ah, islamarkaana uu kali ku yahay Madaxweyne Muuse iyo beelaha ku bahoobay xisbiga Kulmiye.

Doodan taageerayaasha Waddani oo u muuqata mid ka baxsan xayndaabka mucaaradada Waddani waxay salka ku haysa weedho xanaf leh oo uu si is daba joog ah ugu ololeeyay Madaxweyne Muuse Biixi taas oo ahayd in xisbiga Waddani Soomaaliya laga taageersan yahay haddii uu soo baxana Xamar gaynayo Somaliland.

Jamaahiirta Waddani ayaa u arka in kursiga lagaga riixday iyada oo lagu ribeeyay in ay Soomaali weyn yihiin, taas oo kala qaybsanaan gudaha ah keentay una nuglayn karta Somaliland faro gelino shisheeye iyo kala daadsanaan maaddaama qabyaaladdu ku milantay siyaasadda, islamarkaana laga soo doogay doorasho si weyn la isugu fiirsaday.

Muuse Biixi ayaa ololaha ku soo galay weedho uu fagaareyaasha kaga sheegayo in Waddani Somaliland u wado Xamar, sawirro la isku dhejiyay oo ku saabsan in Cirro la kulmay madax Soomaaliya ah iyo warqado la been abuuray oo lagu sheegayo in Waddani xidhiidh la leeyahay Soomaaliya. Arrimahaasi ayaa muwaadiniinta Somaliland ee taageersana Waddani niyad jab ku riday, taas oo hadda laga dhigi karo in 40% oo codkooda siisay Waddani ay yihiin Soomaaliweyn haddii aragtida Madaxweynuhu codka ku raadiyay loo raaco.

Dib u daawo khudbad Uu Burco Ka Jeediyay Madaxweyne Muuse xilligii ololaha

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.