Dhibatada nolosha iyo dhalanteed raaca. Qeybtii Kowaad/Qalinkii : Cali Cabdi Faarax

0
100 views

Qoraalkan waxaa soo diyaariyey wiil dhalinyara ah waa Cali Cabdi Faarax oo u cabiray dalalka Yurub waxaanu ,akhristayaasha la wadaagi doona qiimaha nolashaa waayaha adduunka iyo daruufta ku gudaamana intii uu safarkaas dheer ku jiray ,waxaan qoraalkiisa ku  bilaabay sidan  “Waa buug aan soo wado oo ku saabsan noloshayda inta aan so maray iyo inta ii dhiman waana arrin Dhan ah dhowaana waxaan ku tala jira inan dhamays tiro Waxaan ku dhashay meel miyi ah oo buur caan ka ah gobolka sool oo la dhoho buur caanod ma garanayo tariqda dhabta ah ee aan dhashay malinta ama sanadkaaba kaydoonta ha ahaate . (Qoraalkani waxaa uu gaaryahay Mareegta Sayruuq.com)

waxana ku so barbaaray miyiga wayo reer kaygu waa reer miyi waana xoola dhaqato mana laha hanti magalo laakin waa Dadka ugu nolosha wacan reer miyiga wayo waxaan leenahay hanti aad u badan oo ah hanti miyi SIDA Geela iyo adhiga waxaan ahay curada aniga ayaa ugu wayn dhaman xaafada yada, inta ay dhaleen aabahay iyo hooyaday marka laga reebo gabadhan walashay ah oo dhimatay waxaan ahaa qofka keli ah ee reer ka u ciidnka ah ee aabahay ku xiga. (Qoraalkani waxaa uu gaaryahay Mareegta Sayruuq.com)

waxaan garaad saday aniga oo Geela raaca ma dama reer ka yagu Geela badan leyahay markan garaad saday awowgay wuu indha la`aa oo waxaba ma arki jirin, ayaydayna curyaan ayay ahayd oo ma socon kari jirin waxaan ahayn reer guura madama reer miyigu hadba mesha dooga leh ama caawiska leh u guuran marka aanu guur no awowgay waxa lagu qaadi jiray awor madama aanu socon kari jirin, oo uu indhaha waxaba ka arkayn xanuna ugu darsamay ayaydayna waxa lagu qaadi jiray dameer sababta oo ah ma socon karto waa curyan. (Qoraalkani waxaa uu gaaryahay Mareegta Sayruuq.com)

Aabahay waxa la dhashay hablo iyo wiilal laakin inta badan Way dhimatay waxaan so gaadhay anigu oo aan labo rag ah iyo sadex dumar ah labada adeerday ah mid waxa la dilay aniga oo waxa yar jira oo si fiican uma xasuusto adeerkay oo ugu yara Dadka aabahay la dhashay. (Qoraalkani waxaa uu gaaryahay Mareegta Sayruuq.com)

Waan soo koray oo waxaan noqday nin ciidan ah laakiin caruur nimadu igu badan tahay oo aan hasha ila gudboon garanan iyo waqtiga toona beryo ka dibna awowgay ayaa dhintahay marba xaalad ayaa tagan awowgay illahay ha u naxariiste aad ayaban u jecela wuxu ah qof wanagsan oo marwalba jecel inan la joogo oo Wada sheekaysano lkn nasiib darò malinba malinta ka danbaysa wuu sii xanusanayay wuuna sii tag daraynayay ka dibna wuu dhitay.(Qoraalkani waxaa uu gaaryahay Mareegta Sayruuq.com)

Ayayday SIDA aan kor ku so xusay waxay ahayd curyan laakin dad badan oo caga qaba ka karti badan kana wanagsan ka hawlkar San !!!! Aniga waxaan ka tirsana guriga ayayday oo cuntada ka cuni jiray oo seexan jiray waxaan xasuusta ayayday SIDA ay ii dhaqaalayn jirtay oo igu ducayn jirtay marka aan waysada u soo dhamiyo habeenkii marka la Wada casheeyo aniga iyo walaladay dhaman Waxan iman jirnay halka ay fadhido ayeeyo lkn anigu maan jecelan dhanka ayeeyo in CIDI iga xigto madama aan ka tirsanahay guriga ayeeyo habeenkii oo Dhan Way nosheekayn jirtay ayeeyo waxay nooga sheekay jirtay dhegdgeer iyo diin iyo dacawo iyo dhaaman habar dugaag iyo sheeko caruured ah sido kale qorismaris!!! qaybti kowd

Qore : Cali Cabdi Faarax

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here