Dhawr Arrimood Oo Sababay Dagaalka Dr Abiy Axmed Iyo Cabdi Ilay

0
509 views
Dhawr Arrimood Oo Sababay Dagaalka Dr Abiy Axmed Iyo Cabdi Ilay

Dhawr Arrimood Oo Sababay Dagaalka Dr Abiy Axmed Iyo Cabdi Ilay
Jigjiga(Sayruuq) Inka badan todobaad waxay indhuhu hayeen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Soomaalida kadib markii ay halkaas jilbaha isku dhigeen ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Axmed iyo madaxweynihii dawlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay). Qalalaase wali hubaal la’aan ah ayaa ka dhashay awooddaha ay isku tijaabiyeen Dr Abiy iyo Cabdi Ilay.

Warbixin si weyn u falanqaysay sababaha keenay khilaafka Cabdi Ilay iyo Dr Abiy oo lagu daabacay Opride oo arrimaha Itoobiya ka faallooda ayaa lagu sheegay dhawr sababood oo Dr Abiy Axmed ku qaniinsana Cabdi Maxamuud Cumar kuwaas oo sababay in awood ciidan lagu muquuniyo maamulkii Soomaalida lana qabto Cabdi Ilay, islamarkaana khalkhal gasho kala dambeynta Gobolka Soomaalidu.

Warbixintan oo uu wargeyska Waaberi soo koobay waxa lagu sheegay in Dr Abiy ku saluugsana Cabdi Ilay taageerada uu siin jiray Tigraygii awoodda Itoobiya maroorsaday, islamarkaana waxa sahayatay Cabdi Ilay sifaynta uu Dr Abiy ku hayo Tigrayga iyo taageerayaashoodii.

Arrimaha la rumaysan yahay

Sida la fahansan yahay, islamarkaana laga dheehday baraha bulshada fikradaha ay ku dhiibanayeen intii dhacdooyinkani socdeen dadka Soomaalida ah, Oromada iyo kuwa ka baxsan ba waxa muuqda xafiiltan u dhexeeya siyaasiyiinta Oromada iyo Soomaalida. Tan waxa daliil u ah ra’isal wasaare Abiy Axmed iyo siyaasiyiinta ugu dhaw ee wasiirkiisa arrimaha dibadda Workneh Gebeyehu iyo madaxweynaha kilalka Oromada Lemma Megersa dhammaantood waa qoomiyadda Oromada. Waxa ay tani muujisay in kor u kaca ay doonayaan in siyaasiyiinta Oromadu samayso ay iska caabbintii ugu adkayd kala kulmaan madaxda Soomaalida Itoobiya. Waa caqabadii ugu weynayd ee gudaha Itoobiya iyo dibaddaba uu ku wajaho Dr Abiy.

Hoggaamiyaha Itoobiya Dr Abiy Axmed inkasta oo uu sameeyay isbedello gudaha ah sida siyaasiyiin mucaarad ah oo dalka ku soo laabtay iyo ururo uu la heshiiyay haddana wuxuu ku hawlana sidii uu Qoomiyadda Tigrayga uga sifayn lahaa boosaska ay heerka sare ka gaadheen ee hay’addaha Sirdoonka iyo Militariga waana ta sababtay dhacdooyinkii dhawaan gilgilay magaalada Jigjiga iyo guud ahaan kilalka 5-aad.

Geesta kale Oromadu waxay si weyn Cabdi Ilay ugu qaniinsan yihiin xilligii ay ku jireen halganka ay heeryada Tigrayga iskaga tuurayeen oo uu si weyn u taageersana Federaalka, islamarkaana waxa jira eedo ah in Liyu Boolisku dhibaato u gaystay Oromada inkasta oo Oromada lafteedu aanay ka gacan la’ayn oo ay jireen isku dhacyo labada Qoomiyadooda ah waxaana arrintan lagu daray sababaha Dr Abiy u qaniinsan yahay Cabdi Ilay iyo maamulkiisa.

TPLF Oo Uu Xididada U Siibayo.

Tan iyo 1991 waxa awoodda Ciidamada iyo Sirdoonka Itoobiya maroorsaday ururka TPLF ee Qoomiyadda Tigrayga kaas oo xubin ka ah isbahaysiga dalka maamulayay. Muddo dheer oo dheellitir la’aan ah waxa laba sanno qalalaase waday Qoomiyadda Oromada oo khasab ku bedeshay maamulka sidaasna uu ku yimid Dr Abiy Axmed. Nidaamka cusub wuxuu markiiba beegsaday kooxda awoodda badan samaysatay ee Tigrayga waxaanu Dr Abiy birta ka aslay siyaasiyiin iyo saraakiil lama taabtan ahaan jiray. Xubnahaa awoodda badna ayaa qaarkood la eryay kuwana lagu khasbay in ay hawlgab noqdaan oo is casilaan. Taasi waxay horseeday in ruug caddaagii baadadka laga rifo darajadoodana hoos loo dhigo.

Cabdi Ilay wuxuu gacan saar la lahaa hormoodkii talada hayay ee Tigrayga waxaana taageersana isna uu u dhego nugla hoggaankii ciidamada Militariga iyo Sirdoonta waana sababta uu xilka ugu guulaystay una hayay muddo dheer. Waxa uu ahaa nin kalsooni ku dhex haysta Federaalka hase ahaatee wakhti kooban ayaa kaadirkiisii baalasha laga rifay, islamarkaana la soo dallacsiiyay wajiyo cusub oo uu la qabsan waayay waana tan horseedka u noqotay in la gilgilo Jigjiga markii uu ka gaws adayga nidaamka cusub ee uu la jaanqaadi waayay.

Inkasta oo bishii April Dr Abiy Axmed iyo Cabdi Ilay wada qoslayeen markii Mr Abiy socdaalkiisii u horeeyay ka bilaabay Jigjiga haddana dagaalku degdeg ayuu gondahooda uga qarxay. Waxa muuqata in awoodda Ciidan ee loo adeegsaday Cabdi Ilay horseeday in Dr Abiy guulaystay, islamarkaana Cabdi Ilay noqday nin waxaanu ahayn is mooday hase ahaatee waxa uu Dr Abiy ku dhalliilan yahay khalkhalka uu galiyay gobolka Soomaalida ee Itoobiya oo uu kula kacay falal aan ka dhicin guud ahaan degaammada kale. Waxa jiray dhalliil ah in Oromadu qoomiyado badan la dagaallamayso laakiin, aanu culays saarin.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.