Dhakhtarka Gaarka Ah Ee Aqalka Cad Oo Warbixin Ka Soo Saaray Caafimaadka Madaxweyne Trump

0
70 views

Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad ee looga arrimayo dalka mareykanka ayaa sheegay in madaxwayne Donald Trump uu caafimaadkiisu yahay mid wanaagsan. Dhakhtarkan ayaa baadhitaankii caafimaad ee ugu horreeyay ku sameeyay madaxwaynaha.

Ronny Jackson,oo fuliyay baadhitaan qaatay saddex saacadood ayaa bayaan kooban oo uu soo saaray waxa uu ku sheegay in baadhitaanada ay si wanaagsan u dhaceen.

Dhakhtarkani lagu magacaabo Jackson ayaa lagu wadaa in faahfaahin dheeraad ah uu ka bixiyo maalinta Salaasada xaaladda caafimaad ee madaxwaynaha.

Baadhitaanka caafimaad ee lagu sameeyay madaxwayne Donald Trump ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhowr jeer su’aalo laga keenay caafimaadkiisa dhanka maskaxda.

Buug dhawaan la soo bandhigay ayaa waxa lagu sheegay in maskaxiyan aanu madaxwayne Trump fayoobeyn.

Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa sidoo kale in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano”.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.