Dhakhaatiir Ogaaday Wixii Sababay Khaladaadkii Gool Wadaha Liverpool

0
359 views
Dhakhaatiir Ogaaday Wixii Sababay Khaladaadkii Gool Wadaha Liverpool

Dhakhaatiir Ogaaday Wixii Sababay Khaladaadkii Gool Wadaha Liverpool

Gool hayaha kooxda Liverpool Loris Karius ayaa maskax guursana intii lagu jiray ciyaartii koobka horyaalka Yurub ee kooxda Real Madrid ku guulaysatay 3:1. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Gool hayaha ay asiibtay dawakhaad la rumaysan yahay in ay ka dhalatay Suxul uu Kabtanka Real Sergio Ramos ku dhuftay Gool haye Karius.

 

Gool wade Loris Karius ayaa khaladaad uu sameeyay u saamaxeen labada goo lee Real ku qaaday koobka markii uu si lama filaan ah kubad ugu dhuftay weerar yahanka Real sidaasna kubaddu goolka ugu noqotay, haddana mar kale kubad meel dheer laga soo laaday si aan loo fadhiyin uga dhalatay.

Dakhtar ku yaalla Maraykanka ayaa lagu baadhay Gool hayaha waxaanay dhakhaatiirtu sheegtay in uu si kedis ah u dawakhay gool waduhu suuro galna ay tahay in khaladaadkiisu ka dhasheen dhaawaca soo gaadhay ee dawakhaadda ku keenay.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dawakhaadda gool wadaha ka gaadhay maskaxdu ay tahay mid qofka ka luminaysa hannaanka aragga islamarkaana ay ka khalkhalayso inta ay jiraan waxyaaba uu arkayo waxaanu gool waduhu si aan la filayn habeenkaas kubad uu isku dayay in uu saaxiibkii u baaso ugu dhuftay ciyaaryahan Real ah waxaanay taasi dhacday dhawr mirir kadib markii uu Ramos suxulka ku dhuftay gool hayaha.

Inkasta oo gool wadaha Liverpool raalli gelin ka bixiyay khaladaadka uu sameeyay ciyaarta haddana waxa uu helay farriimo dil loogu hanjabay isaga iyo qoyskiisa iyada oo lagu haysto khaladaadkiisa.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in uu ka soo kabanayo Maskax guurka gaadhay gool wadaha, islamarkaana ay u rajaynayaan bogsasho degdeg ah.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.