Desalegn Oo La Siiyay Billadda Ugu Saraysa Itoobiya

0
671 views
Desalegn Oo La Siiyay Billadda Ugu Saraysa Itoobiya

Desalegn Oo La Siiyay Billadda Ugu Saraysa Itoobiya

Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa ra’isal wasaarihii hore ee iscasilay Mr Hailemariam Desalegn ku sharaftay billadda ugu saraysa ee Qaran. Mr Desalegn ayaa 15 February 2018 si lama filaan ah isu casilay si dib u habayn loogu sameeyo hoggaanka dawladda Itoobiya.

Ra’isal wasaaraha dhawaan la doortay Dr Abiy Axmed Cali oo billadda guddoonsiiyay  ayaa sheegay in Mr Desalegn sameeyay taariikh Qaran oo aan hore uga dhicin Itoobiya, islamarkaana go’aansaday in uu awoodda banneeyo si dib u habayn loogu sameeyo Itoobiya si nabad ahna la isugu wareejiyo talada dalka.

Desalegn ayaa dadweynaha Itoobiya ku bogaadiyay in ay barbar istaagan ra’isal wasaaraha cusub si hore loogu wado Itoobiya loogana soo kabto kala qaybsanaantii ka dhalatay khilaafaadkii dalka ka jiray sanadihii u dambeeyay.

Mr Desalegn waxa wehelinaysay xaaskiisa Roman Tesfaye waxaana lagu abaalmariyay bilad ay ku mutaysatay waxyaabaha ay arrmaha bulshada ka qabatay muddadii ay ahayd marwada koobaad ee Qaranka.

Source:Ethiopia bestows highest national honour on ex-PM Hailemariam Desalegn

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.