Deri-dhaba , Magaaladdii feedhka i bartay

0
'Xisbiyadda dib haloo furro '

Deri-dhaba , Magaaladdii feedhka i bartay

Magaalada Deri-dhaba , waa magaalo xasuustayda meel wayn kaga jirta , maxaa yeelay waa magaalo aan kusoo qaatay caruurnimadaydii qayb ka mida , waa magaalo aan iskuul iyo malcaamadba ka galay , waayo fiicana aan ku noolaa .

Maalmihii aanu galay Malcaamada , malcaamadaas oo ku taalay Xaafada Laga-hare ee magaaladaas , gaar ahaan dhanka buurta ayaanu is dili jirey caruurta Oromada .

Ciyaalka Oromadu inta badan iyagaa na doon doonan jirey , sidaas ayaana aanu maalin walba isku dili jirey . ciyaalka oromadu waxay yaqaaneen laba dagaal , kuwaasoo kala ah shiidka iyo loox ay ku dhejiyaan musbaar , inta badana way isugu kaaya tegi jireen .

Markii dagaalkii noo dhaxeeyey dhamaan waayay , ayaa aniga iyo walaalkay oo iga yar Aabahay na baray feedhka , jawaan intuu ciid nooga buuxiyo ayuu meel nooga soo laalaadin jirey , ka dibna waanu ku feedh baran jirey .

Sida feedhka loo qabsado , sida feedhka la isaga qabto , meelaha wax laga feedho , sida la isu taago , intaaba aabahayo ayaa na baray .

Waagii danbe , mar kasta oo aanu ciyaalka is dilo , feedhka ayaanu isku halayn jirey , feedhkana lanagagama horayn jirin.

Magaalada .

Magaalada Magaceedu waa Deri-dhaba , oo macnaheedu yahay meeshii biyuhu kusoo ururayeen , maxaa yeelay magaaladu waxay ku taalaa deegaan buuro dhexdooda oo biyaha buuraha ayaa kusoo shubma , heestii jirtayna waatii ahayd ,

Dhulka meesha derida leh ,

Daadki uu kusoo jabay ,

Danbaskiina kala tagey ,

Iyo digadii xoolaha .

Dhinaca kale , ninkii gabyayna waakii lahaa ,

Dawgii la marayaa ,dhexduu deri ku yeeshaa .

Dhinaca kale , Magaaladu waa magaalo Istaraaji ah , meel muhiima ahna ku taala , waxaana isugu yimaada ,Wadooyinka Herer ,Djabouti ,Jigjiga iyo Adis ababa , dhinaca cimiladana waa meel hawo wanaagsan oo nolosha u fiican .

Magaalada afarta jaho , sadex ka mida Soomaalida ayaa kaga hareeraysan , dhinaca kalena Orromo .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.