Degaannada Ay Ka Soo Kala Jeedaan 4 Agaasime Oo La Magacaabay

0
328 views

Degaannada Ay Ka Soo Kala Jeedaan 4 Agaasime Oo La Magacaabay

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si tafaariiq ah u dhisaya xukumaddiisa waxaanu maanta magacaabay 4 xubnood oo ka mid ah agaasimeyaasha wasaaradaha iyo hay’addo madax bannaan kuwaas oo kala ah:

Aadan Cabdilaahi Cabdulle Nuur, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Maxamed Faarax Xareed Qodax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Axmed Abokor Maxamed Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

Xamda Daahir Afqarshe Ismaaciil, Agaasimaha Maamulka iyo Lacagta ee Guddida (Komishanka) Qaranka ee Xakamaynta HIV/AIDS.”

Afarta masuul ee uu madaxweynuhu magacaabay,  waxaa laba ka mid ah oo kala ah agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Agaasimaha Komishanka AIDS-ku ay ka soo jeedaan beelaha Sool, halka agaasimaha wasaaradda maalgashiguna uu ka soo jeedo gobolka Saaxil, halka agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashadu uu ka soo jeedo gobolka Selel (Beesha Ciise).

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.