“Degaankan Waxa Ragaadiyay Qabyaalad,” Madaxweyne Cagjar

0
556 views
“Degaankan Waxa Ragaadiyay Qabyaalad,” Madaxweyne Cagjar

“Degaankan Waxa Ragaadiyay Qabyaalad,” Madaxweyne Cagjar
Jigjiga(Sayruuq) Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) Ayaa Shir Jaraaid oo uu shalay Xafiiskiisa Ku qabtay Kaga Waramay Wada Hadaladii Magaalada Asmara ee Dalka Eretariya Ku dhexmaray Dawladda Itoobiya iyo Ururka ONLF. Waxa kale oo uu ka hadlay dhibaatooyin uu qabyaalad ku sababeeyay oo ka jira gobolkiisa.
Waxa uu sheegay in degaanno badan oo gobolka ka mid ah la isku haysto in xoog maamulkooda lagu bedelo iyada oo laga daba joogo in maamulkii Cabdi Ilay xaq darro ugu dhiibay cid kale waxaanu ka digay in ay beeluhu sharciga gacantooda ku qaataan oo xoog ku fushadaan iyaga oo aargoosi ka ah cabudhin lagu hayay ama xaq darro ay beelo kale ka tirsanayaan.
Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan dad xagjiriin qabyaaladeed ah oo magac qabiil mansabyo ku doonaya “Degaankan waxa ragaadiyay qabyaalad iyo kala qaybsanaan kolba meel taagan. Dadka qabyaaladda ku hadlaya dad qabiilka ay ka soo jeedaan ee ay u hadlayaan dan u haya maaha. Waa dad dano gaar ah leh oo qabiilka ay sheegayaan aan waligood waxba tarin balse in ay dhibaateeyeen oo dileen u badan tahay. Xagjir qabiila ba soo baxay oo leh reerkayagii baa kan ah, reerkayagu intan weeye, kuwaas kama yeelayno. Xagjirnimada qabyaaladda cid walba oo wadda waanu la dagaallamayna, nidaamkaan ka ilaalinayna, dhaqaalahan kala dagaallamayna..,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.