Deg deg: Wasiirkii gaashandhigga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga oo is casilay.

0
172

Muqdisho (Sayruuq) –Wararka hadda naga soo gaadhay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegayo inuu is casilay Wasiirkii gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Md C.rashiid C/llaahi Maxamed.

Wasiir C/rashiid ayaa is casilaadiisa kusoo bandhigay Shirka hadda u socda Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa soo gudbiyey Waraaq is casilaad ah, waxaana arrintaas ka aqbalay Golaha Wasiirada iyo Ra’isulwasaaraha Soomaliya Md Kheyre.

Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa u sibir saaraya arrintan Is Casilaada ah in ay ka danbeeyaan gacmo shisheeye oo cadaadis ku keenaya xukuumadda khayre.

Waxaa isna maanta xilkiisa Iska Casilay Taliyihii Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Cirfiid.

Wasiirka arrimaha gudaha Md Juxa ayaa sida Il wareedo ku dhow sheegayaan in sacadaha<br>
Soo socda uu is casili doono.
Wixii warar ah ee kusoo kordha Isha kuhay Www.sayruuq.com.
Muqdisho
Contact@sayruuq.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here