Deg Deg: Diridhaba Oo Rabshadda Qoowmiyedeed ka Istaadhmeen

0
456 views
Wararkii Ugu Dambeeyay Saaka Ee Xaaladda Diridhaba

Deg Deg: Diridhaba Oo Rabshadda Qoowmiyedeed ka Istaadhmeen
Diridhaba (Sayruuq)- Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.

Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.
Milatariga Ethiopia Oo Ka Hadalay Xaaladda Jigjiga
Ururka ONLF oo Dowlada Federalka Eedeeysay
Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.

Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo iwm
Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.