Dawladda Uganda Oo Soo Dhawaynaysa Xidhiidh Diblamaasiyadeed Oo Somaliland Dhex Mara

0
838 views
Dawladda Uganda Oo Soo Dhawaynaysa Xidhiidh Diblamaasiyadeed Oo Somaliland Dhex Mara

Dawladda Uganda Oo Soo Dhawaynaysa Xidhiidh Diblamaasiyadeed Oo Somaliland Dhex Mara

Dawladda Somaliland ayaa liiska dalalka Afrika ee ay citiraafka ka raadinayso ku dartay dawladda Uganda ee Bariga Afrika ku taalla. Wakiilka Somaliland ee Yugaandha Mustafe Cawil ayaa xuskii maalinta Qarannimada Somaliland ka sheegay in ay dawladda Uganda u gudbiyeen warqad ku saabsan in ay Somaliland ku yeelato Qunsuliyad dalka Uganda.

Waxa uu sheegay in Somaliland ku naaloonayso xidhiidh wanaagsan oo ay la leedahay dalalka Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Ingiriiska, Midawga Yurub iyo dalal kale, islamarkaana ay rajaynayaan in Uganda ka mid noqoto dalalkaasi xidhiidhka fiican la leh.

Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda oo arrintan warbixin ka qoray ayaa waraystay Margaret Kafeero oo ah madaxa waaxda diblamaasiyadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Uganda waxaanu sheegay in aanu ka war qabin warqadda wakiilka Somaliland sheegay laakiin, haddii ay jirto ay si fiican u soo dhawaynayaan.

“Waxaanu helna dadyaw badan oo bulshooyinka dunida ka mid ah oo raadinaya aqoonsi siyaasadeed, Somaliland-na kuwaas ayay ka mid noqonaysa,” Sidaas ayuu sheegay Margaret Kafeero.

Ardayda Somaliland ee jooga Uganda ayaa wargeyska The Observer u sheegay in marka ay imanayaan Uganda ay tagaan Muqdisho waxaanu Margaret Kafeero sheegay in aanay aqoonsanayn Basaboorka Somaliland.

Masuuliyiin kale oo wargeysku wax ka waydiiyay mawqifka dawladda Uganda ee Citiraafka Somaliland waxay sheegeen in Somaliland ay ka bannaan yihiin fursado ganacsi oo door ah, islamarkaana cilaaqaadkoodu ku xidhnaan doono maslaxadaha ganacsi ee Uganda ka yeelato Somaliland.

Somaliland wants Uganda recognition

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here