Dawladda UAE Oo Reer Jabuuti Dalkeeda Ka Saaraysa

0
718 views
Dawladda Itoobiya Oo Ka Hadashay Heshiiska Berbera

Dawladda UAE Oo Reer Jabuuti Dalkeeda Ka Saaraysa

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in waaxda ajaanibta u qaabilsan waddanka Isu Tagga Imaaraadka Carabtu ku war gelisay dadka reer Jabuuti ee Imaaraadka ku nool in aan loo cusboonaysiin doonin sharciyada ay dalka ku joogaan, islamarkaana marka ay ka dhacaan ay dalka iskaga baxaan. Warar ay faafiyeen warbaahinta Soomaalidu ayaa sheegaya in dadka qaar reer Jabuuti ah la soo tarxiilay. Dawladda Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa isku dhacay markii Jabuuti si xoog ah ku eriday shirkadda Dp World.

Geesta kale wargeyska Foore oo Hargeysa ka soo baxa ayaa ku warramaya in ay heleen xogo ku saabsan in dawladda Imaaraadku ogolaanayso basaboorka Somaliland, islamarkaana ay dadka reer Somaliland ee sita Basaboorku heli doonan dal ku galka Imaaraadka. Dawladda Imaaraadka ayaa Somaliland la leh cilaaqaad wanaagsan waxaana laga yaaba in arrimahan qayb ka noqdaan midho dhalka socdaalka madaxweyne Biixi ku joogo Abu Dabay.

Geesta kale waxa jira warar ku saabsan in dawladda Imaaraadku damacsan tahay in ay culays saarto dadweynaha reer Soomaaliya ee Imaaraadka ku nool. Golaha sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo shalay dood ka lahaa qaraar Somalia ku mamnuucday shirkadda DP World ayaa ku taliyay in xukumaddu u dhug yeelato ganacsatada iyo dadweynaha Soomaaliya ee Imaaraadka ka shaqaysta waxaana suuro gal ah in Abu Dabay qaado tallaabooyin aargoosi ah.

Heshiiska Somaliland, Imaaraadka iyo Itoobiya ee dekedda Berbera ayaa kor u qaaday xaraaradda siyaasadda Geeska Afrika. Soomaaliya ayaa sida fiinta uga qaylisay 19% maamulka dekedda Berbera laga siiyay dawladda Itoobiya laakiin, si toos ah uma weerarin Itoobiya waxaanay si kulul u dhalliishay Somaliland iyo DP World.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.