Dawladda Soomaaliya Oo Bixin Kari Wayday Mushaharka Ciidamada, Masuuliyiinta Iyo Shaqaalaha Ee 8 Billood

0
124

Muqdisho(Sayruuq) Shaqaalaha Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Ciidan iyo rayidba waxaa ay dowladda federaalka ah ku leeyihiin mushahar 8 bilood ah, sida  lagu ogaaday baadhitaan ay sameysay  warbaahinta Goobjoog oo fadhigeedu Muqdisho yahay.

Ciidamada Militariga iyo Booliiska waxa ay sheegeen in 3 billood aaney qaadan wax mushahar ah, qaarkoodna 2 billood, Macalimiinta Jaamacadda umadda oo shaqo-joojin sameeyay  todobaadkan waxa ay ku doodeen  in 5 billood aaney arag mushahar.

Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ah oo la hadashay Goobjoog waxay sheegtay in sanadkii hore oo ay shaqaale ka aheyd mid ka mid ah wasaaradaha dowladda, iyada oo dowladda ku leh mushahar 6 billood ah ka tagtay, hadda oo ay Xildhibaan federaalka ah tahayna aaney mushahar qaadan 2-dii billood  ee u dambeeyay, isku dar lacagta ka maqan 8-daas billood, waxay ku sheegtay 10 Kun oo Dollar.

Xildhibaan kale oo golaha shacabka ka tirsan waxa uu isna sheegayaa in hadda aanay 2 billood  qaadan mushahar, sidoo kale uu dowladda ka sugayo mushaharka 6 billood oo sanadkii hore ah, Xildhibaankan waxa uu ku jiraa weli baarlamaankan 10aad laakin waxa jira Xildhibaanno aan soo noqon balse ka tirsanaa baarlamaankii 9aad, kuwaas oo iyaguna Goobjoog News u sheegay in ay dowladda weli ka heysato mushaharka 6 billood.

Iska daa ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah, dowladda federaalka ah waxa ay u baahan-tahay 6 Milyan oo Dollar si ay u bixiso mushaharka 275 Xildhibaan oo dowladda ku leh mushaharka 8 billood!

Miisaaniyaddii sanadkan, Shaqaalaha rayidka ee dowladda guud ahaan waa: 5526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, dowladda waxaa ay miisaaniyadda ku sheegtay in ay ku dhib qabto tirada shaqaalaha Garade (A) lacagta ku qaata, farqiga u dhaxeeya mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah iyo siyaasiyiinta iyo tirada wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Waxaa xusid mudan in shaqaalaha cusub ee dowladda federaalka ah qaadatay wixii ka dambeeyay doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo aaney weli qaadan wax mushahar ah, qaarkood waxa ay Goobjoog u sheegeen in aaney jirin rajo ka sokeysa January 2018-ka.

Sida muuqata dowladda federaalka ah waxa ku adkaaday bixinta mushaharaadka shaqaalaha rayidka iyo ciidanka labadii billood ee la soo dhaafay, Waxa kale oo xaqiiq ah in odoros qaldan lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2017-ka.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga adduunka labadaba waxaa ay qoraal ku sheegeen  in dowladda federaalka ah ay ku dhib-qabto deymaha gudaha, hey’adahan waxaa kale oo ay ka digeen in aaney isla socon lacagaha ay dowladda filaneyso ee miisaaniyadda ku jira iyo xaqiiqda dhulka taalla.

Iyada oo ay taasi jirto ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre 8-dii bishan ballan-qaaday in December 31-keeda wixii ka horeeya ay xukuumaddiisa bixin-doonto dhammaan mushaharaadka lagu leeyahay dowladda.

Sayruuqnews/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here