Dawladda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Eedayntii Itoobiya Iyo Wefti Addis Ababa Ka Socda Oo Hargeysa Soo Gaadhay

0
28 views

Hargeysa(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa iska fogaysay eedo ka soo yeedhay dawladda Itoobiya oo ku saabsan xiisadda u dhexeysa gobolka Oromada iyo Soomaalida Itoobiya.  Somaliland waxay sheegtay in ay u dhibirsan tahay qoomidda Oromada islamarkaana lagu yaqaano soo dhawaynta.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo Isniintii saxaafadda kula hadlay Addis Ababa ayaa dawladda Somaliland ku eedeeyay in ay saddex kun oo bulshada Oromada ah si sharci darro ah u barakicisay. Waxa uu sheegay in barakicintu la xidhiidho cilaadda Oromada iyo Soomaalida.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo arrintan uu wax ka waydiiyay wargeyska Geeska Afrika ayaa ku jawaabay “Arinkaas wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan, dadka reer Somaliland waa dad soo dhaweyn badan, waliba u dabacsan dadka ka soo jeeda qoomiyada Oromada, waxa imika sifo sharciya oo diiwaangashan inoola jooga ilaa toban kun oo Oromo ah, inta in leegna in aanay diiwaangashanayn baa laga yaabaa, muddo badana way inala joogeen, Somaliland intii ay jirtayba wey inala joogeen, wax dhibaato ah oo loo geystay iyo wax cabasho ah oo ay keeneen midna ma jiro, dad sharci daro aynu ka hayno dalkeena mooye, dad aynu sharci daro ku erinaa ma jiraan”.

Wasiir Sacad waxa uu intaasi ku daray “Markii ay dhacday dhacdadii Hawaday, dad badan oo Oromo ah ayaa iskood ugu tagay Booliska, oo ay ka dalbadeen in dib loo celiyo, dadkaas si fiican baa loo galay,Baabuur baa lagu qaaday,  xadka la geeyey, wax alaale iyo wax dhibaato ah oo loo geystay ma jirto, waana laga war hayna in Culimadeena, Wax-garadkeena, Aqoonyahankeena iyo Madax-dhaqameedkeenu inay dadka ugu wada baaqayeen markii dhacdadani dhacday in aan cidna wax la yeelin, oo dadkaas Oromada ah, dhib loo geysan, oo waliba la soo dhaweeyo, markaas in inagoo wanaagaas oo dhan sameeynay, in la yidhaahdo sharci daro ayey ku soo saareen, waa maxay sharciga aynu inagu jabinay, waa nasiib darro”.

Wasiir Sacad waxa uu sheegay in wefti Itoobiya ka socda shalay galab yimid Hargeysa oo ay maanta wada hadli doonan.

Hargeysa_Somaliland

Sayruuqnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here