Dawladda Oo U Hanjabtay Beelaha Reer Ceelafweyn

0
60 views
Dawladda Oo U Hanjabtay Beelaha Reer Ceelafweyn

Dawladda Oo U Hanjabtay Beelaha Reer Ceelafweyn

Madaxweyne kuxigeenka jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay degmada Ceelafweyn iyo degaannada hoos taga ee colaaddu ka dhacday. Taliska ciidamada Qaranka iyo Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in gacan dawladeed lagula tacaalayo colaadda beelaha walaalaha ah halkaasi ku dhex martay maaddaama ay socon waayeen heshiisyo dhawr ah oo la dhex dhigay labadii sanno ee la soo dhaafay.

“Muddada labada sanno ee inta yar la ah maskax, muruq iyo maalba xukumaddu way galisay, markastana waxa lagu dadaalayay in hawshaasi inaga soo afjaranto, maanta laga bilaabo waxaad amar ku qabtaan in aanay cid dambe oo la baryaya jirin. Hadda kadib ciddii far qaada dawladdu waxay qoraysa warqad sheegaysa in wax allaale wixii aad ku qabataan hanti, qori iyo gaadhi aad ka qaadan oo hanti qaran ay noqoto, daayadii iyo qoryihii ay isku khaarajinayeen ee inta laga qaado dib loogu celiyay waxay keentay in ay taasi dhacdo oo 15 qof macno la’aan ku dhintaan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.

Waxa uu beelaha labada dhinac u sheegay in ay dhammaatay xilligii dawladdu beelaha ula dhaqmaysay sida odayaynta ah, islamarkaana hadda kadib gacan adag oo dawladnimo lagula dhaqmayo ciddii far qaada maaddaama ay socon wayday dhexdhexaadintii iyo maslaxaddii dawladda iyo waxgaradka kale ka galeen arrintan.

Halkan ka daawo Muuqaalka Warka Madaxweyne xigeenka

Boqor Buurmadow Oo Ka Hadlay Colaadda Ceelafweyn

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.