Dawladda Jabuuti Oo Joojisay Diyaaradaha Maraykanka

0
787 views
Dawladda Jabuuti Oo Joojisay Diyaaradaha Maraykanka

Dawladda Jabuuti Oo Joojisay Diyaaradaha Maraykanka

Dawladda Jabuuti ayaa si ku meel gaadh ah u hakisay in ay diyaaradaha Maraykanku ka dagaan dalkeeda kadib markii laba shil oo diyaaradeed maalmihii u dambeeyay asiibeen diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee adeegsada Saldhigoodda Jabuuti.

Duullimaadyadan ayaa lagu sheegay kuwo muhiimad weyn u leh diyaaraddaha Maraykanka ee weerarrada ka dhanka ah Argagixisada qaada kuwaas oo hawlgallo ka fuliya Soomaaliya iyo Waddanka Yemen.

Diyaaraddahan ayaa galay shilal lama filaan ah. Salaasadii diyaarad ka duulaysay madaarka Ambouli ee Jabuuti ayaa burburtay waxaana iskaga booday Wadaha diyaaradda oo la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay. Diyaaradda ayaa ka qayb galaysay layli Militari.

Arbacadii ayaa diyaarad kale waxyeello gaadhay iyada oo fadhiisanaysay xeebta Carta laakiin, lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Arrintan ayaa imanaysa xilli dawladda Maraykanku ka biyo diidsan tahay xidhiidhka dawladda Jabuuti iyo Shiinaha, kana soo horjeedo in dekedda uu ku lug yeesho Shiinuhu.

Source: Flights grounded at U.S. military base in Africa crucial to anti-terror fight

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here