Dawladda Jabuuti Oo Farriin Adag U Dirtay Israa’iil

0
814 views
Dawladda Jabuuti Oo Farriin Adag U Dirtay Israa’iil
Militariga Isra'iil oo ateerada ugu jira mudaharaadayaasha Falastiin

Dawladda Jabuuti Oo Farriin Adag U Dirtay Israa’iil

Falastiiniyiinta Qasa ayaa shalay iyaga oo kumanaan qof ah socod bannaan bax ah ugu dhaqaaqay xadka Israel oo ay ka bilaabayaan mudaharaaddo lix todobaad socon doona. Waxay dalbanayaan in loo ogolaado in qaxoontigu ku noqdo guryahooda oo hadda ah dhulka Israa’iil haysato laakiin, maalintii koowaad ayaa la sheegay in ugu yaraan 15 qof dhimatay boqolaal kalena dhaawacmeen kadib rasaas si ula kac ah ay militariga Israa’iil ugu ridayeen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa fal badownimo ah ku tilmaamay rasaasta lala dhacay dad aan hubaysnayn oo xuquuqda dhulkooda u dhaqdhaqaaqaya. Waxa uu sheegay in Falastiiniyiintu u mudaharaadayaan dhulkooda la haysto laakiin, Israa’iil oo dhulkooda haysata dishay 15 qof boqolaalna dhaawacday.

“Jabuuti waxay cambaaraynaysa falalka badownimada ah ee militariga Israa’iil kala hor tagay mudaharaadeyaal aan hubaysnayn. Waa wax aan la aqbali Karin in Qaramada Midoobay ka aamusnaato iyada oo uu hortooda ka dhacayo xasuuqa noocan ah,” Sidaas ayuu ku yidhi wasiir Maxamuud Cali Yuusuf farriin uu boggiisa Twitter-ka ku qoray.

Dibadbaxyada Qasa ka bilowday ayaa bilow u ahFalastiniyiinta oo toddobaadyo banaanbax ah samaynaya oo ay ku dalbanaayaan in qaxootiga Falastiniyiinta loo ogolaado inay ku labtaan guryahooda oo imika ah Israel.

Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa la sheegay inay yeelan doonaan kullan lagaga hadlayo xaaladda ka soo cusboonaatay Qasa.

Muuqaallo shalay laga soo duubay isu soo baxa ayaa laga dhex arkayay ciidamada Israa’iil oo si toos ah ugu soo ridaya rasaas kumanaan mudaharaade, islamarkaana kolba lala cararayo qofka ay ku dhacdo rasaasta Militariga.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.