Dawladda Jabuuti Ma U Cuntamaya Mawqifka Somaliland Ka Istaagtay Colaadda Asmara Iyo Jabuuti Iyo Xidhiidhka Somalia Iyo Ereteriya?

0
656 views
Madaxweyne Geele Oo La Sheegay Inuu Cisbitaal Dibadeed U Qaadayo Cali Sandule

Dawladda Jabuuti Ma U Cuntamaya Mawqifka Somaliland Ka Istaagtay Colaadda Asmara Iyo Jabuuti Iyo Xidhiidhka Somalia Iyo Ereteriya?
Hargeysa(Sayruuq)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aanay dhib u arag xidhiidhka wanaagsan ee u bilawday dawladaha Soomaaliya iyo Ereteriya sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda JSL mudane Sacad Cali Shire. Waxa kale oo uu sheegay in ay ku talinayaan in muranka xuduudka ee Ereteriya iyo Jabuuti lagu dhammeeyo wada hadal.

Dawladda Jabuuti ayaa dhawaan si weyn uga cadhootay in Soomaaliya xidhiidh la samayso Ereteriya halkii ay ahayd in ay walaalaheed Jabuuti barbar istaagi lahayd waxaana wasiir Sacad Cali Shire la waydiiyay halka Somaliland arrimahaasi ka taaggan tahay waxaanu yidhi “Horta inagu dhibsan mayno oo sharaysan mayno laba waddan ah oo isu soo dhawaaday oo nabad ka wada hadlay iyo iskaashi ma sharaysanayno oo ma dhibsanayno ee waynu soo dhawaynayna. Arrinka ka dhexeeya Jabuuti iyo Ereteriya wuu jira oo xad baa ka dhexeeya, maxaabiis baa la kala haysta arrinkaasina in uu nabad iyo wada hadal ku dhammaado oo ay isku soo dhawaadan ayaanu jecel nahay.”

Soo dhawaynta Dr Sacad Cali Shire ee xidhiidhka Asmara iyo Muqdisho ayaa u muuqda mid aan raalli gelinayn dawladda Jabuuti oo hore si weyn uga cadhootay arrintaasi. Sidoo kale hadalka ku saabsan in arrimaha Ereteriya iyo Jabuuti wada hadal lagu dhammeeyo ayaa u muuqda mid aanay Jabuuti madaxa u lulayn maaddaama mawqifkeedu yahay in Ereteriya lagu sii hayo gadoominta inta ay ka kacayso dhulka ay ka haysato Jabuuti siina daynayso maxaabiista reer Jabuuti.

Dr Sacad Cali Shire lagu waraystay barmaamijka Milicsiga siyaasiga ee Universaltv waxa kale oo la waydiiyay bedelaadda lagu sameeyay safiirkii Imaaraadka ee Somaliland Baashe Cali waxaanu yidhi “Horta Baashe shaqo qiimo leh ayuu ka qabtay Imaaraadka qayb ayuu ka ahaa dhammaan heshiis-yadaa aynu wada galnay oo dhan, hase-yeeshee wareejinta safaaraduhu sunaha ayey kamid tahay safiirradu wareeg ayey galaan oo safiirradii labadii sanadood-ba waa la badelaa, taa mac-naheedu maaha in aanu shaqo qiimo leh ka qabanin, shaqo qiimo leh wuu ka qabtay (Imaaraadka).”Ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Debada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aanu jirin wax musuq-maasuq ah oo uu kacay isagu “Anigu xoolaha keliya ee aan qaranka u hayaa waa miisaaniyadda wasaaradda, miisaaniyadda wasaaradduna madax-yo ayey leedahay, aniguna jeegeedaba ma hayo markaa waxaanu ka lunsanay wasaarad ma jirto, Wax kale oo hanti ah oo anniga la ii dhiibay dhul noqotaa Daaro noqotayaa shirkado noqotayaa, Warshaddo noqotayaa oo qaranku leeyahay oo aan masuul ka ahay oo aan ku tagrifari karo ama aan dhici karo ma jiraan habayaraatee , lakiin xaqiiqdu waxa weeye wax alaale iyo wax nagu weeceday ma jiraan, waanu dhaaranay xalaal xun ayaanu nahay xaraanta ma cuno ha yaraato ha badnaato mid Dowladi leeday iyo mid dad leeyahay toona.”

Waxa Kale oo uu Sacad CalI Shire sheegay in aanu Guri ka dhisan, waxaanu xusay in aanau jirin qasnado ama Akowno uu samaystay, isagoo ku tilmaamay dadka yidhaah Sacad ayaa musuq-maasuq sameeyey ee hala baadho inay yihiin kuwo Cadowga Somaliland soo adeegsaday “ Waxa la xadaa isma qariyaan, annigu intii 10 –kii ama 8 sanadood ee aan joogay Daar kama dhisan, Dhul kama deyran Akowno kama furan, wax alaale wax muujinaya in aan xool dad weyne ama xoolo dad kaleba inay igu baydheen oo cadi ma jirto, cidii haysa hakeento, qofkii soo hela in aan guri iibsaday hasoo xaqiijiyo anaa u saxeexaya oo guriga ayaanba siinayaa, markaa arrinkaasi wax alaale wax ka jiraa ma jiraan waana runtii eedayn aan sal iyo raad toona lahayn oo ceebeyna, annigu waxaan is leeyahay ceebayntaas waxa ka dambeeya Cadowga Somaliland ayaa ka dambeeya , waxa jira beryan dambe kaanbeyn uu cadowgu inagu hayo sidii uu Somaliland u fur-furi lahaa, mararka qaarkood saxaafada ayuu inoo soo maraa, mararka qaarkood dhalinyarada ayuu inoo soo maraa, marba xeelad ayuu inoola yimaadaa.”Ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.