Dawladda Itoobiya Oo Wax Ka Bedeshay Qoraal Ku Saabsan Safarka Madaxweynaha Somaliland

0
108 views

Dawladda Itoobiya Oo Wax Ka Bedeshay Qoraal Ku Saabsan Safarka Madaxweynaha Somaliland

Addis Ababa(Sayruuq) Wasaaradda arrimaha dibada dawlada Federalka Itoobiya ayaa wax ka bedeshay qoraal ku saabsan socdaalka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal wasaaraddu ka soo saartay Madaxweyne Muuse oo gaadhay Addis Ababa ayaa markii hore lagu yidhi “ Wasiirka arrimaha dibada Dr Workneh Gebeyuh wuxuu maanta soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,” hase ahaatee mar dambe ayaa qoraalka wax laga bedelay iyada oo meesha laga saaray ‘Jamhuuriyadda Somaliland’ lagana dhigay Madaxweynaha Somaliland’

Arrintan ayaa u muuqata in dawladda Itoobiya cabasho kala kulantay Soomaaliya oo inta badan ka soo horjeeda in Somaliland loogu yeedho Jamhuuriyad. Bulshada Somaliland ayaa markii hore soo dhawaysay arrintaasi iyaga oo mar dambe ka war helay isbedelka qoraalka lagu sameeyay

Qoraalka hore

No automatic alt text available.

Qoraalka dambe

No automatic alt text available.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.