Dawladda Itoobiya Oo Somaliland U Jeedisay Eedayn La Xidhiidha Xiisadda U Dhexaysa Oromada Iyo Soomaalida

0
22 views

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya ayaa Isniintii sharraxaad ka bixisay xaaladda ka taaggan xuduudka Maamulka Soomaalida Itoobiya iyo gobolka Oromada. Waxay sheegtay in boqolaal qof oo dhinaca Oromada iyo Soomaalida ah ku dhinteen colaaddan bilaamatay horraantii bishan, islamarkaana ay tobanaan kun ku barakaceen.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya oo shalay shir jaraa’id qabtay waxa uu sheegay in aanay tiro sax ah ka hayn khasaaraha dhimashada “Dagaalka bishan ka dhex dhacay Ismaamulka Soomaalida iyo Oromada waxa ku dhintay boqolaal qof waxaana degaanadooda ka cararay tobanaan kun,” Sidaas ayuu Mr Negeri ku sheegay shirkiisa jaraa’id waxaanu sheegay in baadhis dheraad ah lagu soo bandhigi doono tirada rasmiga ah.

Wasiirka warfaafinta Itoobiya waxa uu dawladda Somaliland ku eedeeyay in ay si sharci darro ah u barakicisay saddex kun(3000) oo qof Oromo ah kuwaas wakhti dheer deggana Somaliland. Waxa uu sheegay in dadka Oromada ah la bartilmaameedsaday gudaha Somaliland iyo kilalka shanaad.

wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa warbaahinta Bloomberg oo Email u soo dirtay si ay eeddan wax uga waydiiso waxa uu ugu jawaabay “Waxa aan shaqaalahayga ka dalbaday in ay warbixin arrintan iiga soo gudbiyaan, waxaan u baahanahay in aan xaqiiqada helo inta aanan ka faalloon.”

Wasiirka warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho waxa uu sheegay in laba masuul oo Oromo ah oo la dilay ay ka dhalatay colaadda horraantii bishan ka dhex qaraxday Soomaalida iyo Oromada iyada oo ay jireen isku dhacyo soo jiitamay. Oromada ayaa dad badan ku xasuuqday magaalada Hawaday waxaana ku jiray dad badan oo Somaliland u dhashay.

Dawladda Somaliland ayaa dhawr jeer amartay in aan waxba la yeelin bulshada Oromada ee ku nool Somaliland hase ahaatee xasuuqa Hawaday ayaa abuuray xaasaasiyad waxaanay cabsi soo wajahday Oromada Somaliland ku nool. Lama oga in xukumadda Somaliland dad Oromo ah barakicisay laakiin, haatan waxa caadi ku soo noqotay nolosha Oromada oo si caadiya uga shaqaysta Somaliland.

Hargeysa-Somaliland
Sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here