Dawladda Itoobiya Oo Ka Warwarsan Somaliland

0
268 views

Dawladda Itoobiya Oo Ka Warwarsan Somaliland

Warbixin lagu daabacay warbaahinta Al-Ahram Weekly ayaa lagaga faallooday isbahaysiyo ka abuurmaya xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika. Socdaal uu dhawaan madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki ku yimid dalka Masar ayaa iftiimisay isbahaysiyo siyaasadeed oo ka abuurmaya gobolka Geeska Afrika kuwaas oo taxan ilaa bariga dhexe oo laba garab loogu kala jabsan yahay.

Bariga dhexe dalka Qadar iyo Turkiga ayaa is xulufaystay, halka Masar, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Baxrayn dhan isu raaceen. Dalalka soo hadhay ayaa labadan dhinac la kala safan ama xidhiidho kala duwan la leh. Suuriya iyo Ciraaq ayaa cilaaqaad fiican la leh Masar laakiin, Sucuudiga ayaa ka biyo diidsan maamullada Shiicada ah ee ka taliya dalalkaasi.

Geeska Afrika biyo xidheenka Itoobiya ee webiga Nile ayaa xiisad ka abuuray. Labada dal ayaan wax Isfahan ah ka gaadhin is waafajinta labada danood iyo isu dheelitirka faa’iidooyinka ay ku qabaan wabiga.

Dawladda Itoobiya ayaa ka warwarsan arrimo door ah oo ay ka mid yihiin dawladda Eriteriya oo ka faa’iiday dagaalka Yemen kadib markii wadamada Khaliijku daneeyeen saldhigyo ay ka samaystaan Eriteriya haatana ay wada hadleen Masar. Sidoo kale la fahansan yahay in ay Eriteriya xidhiidh la leedahay kooxda Alshabaab eek a dagaallanta Soomaaliya. Waxa kale oo ay ka warwarsan tahay Alshabaab oo aan wali la jabin iyo Muqdisho oo u nugul xidhiidhka Masaarida iyo Eriteriya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dawladda Itoobiya ka walaacsan tahay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ee ku saabsan horumarinta DP World ee dekedda Berbera iyo Saldhigga Militari ee Imaaraadka. Sidoo kalena ay ka warwarsan tahay saamaynta fidaysa ee ay dalalka Carbeed ku yeelanayaan gobolka. Itoobiya oo dekedda Berbera laga siiyay 19% ayaa warbixinta lagu sheegay in aanay arrintaasi dawo u noqon warwarka Itoobiya ay ku hayso arrintan.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in aanay wali Itoobiya ka ladin dareenka ah in uu dib u soo noqdo hammigii Soomaali weyn ee ku saabsana in Kilalka Shanaad ay mar kale Soomaaliya u hanqal taagto in ay qabsato.

Halkan kaga bogo warbixinta

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.