Dawladda Itoobiya Oo Dhisaysa Dhuun Shidaal Oo Isku Xidha DDSI Iyo Jabuuti

0
122 views

Dawladda Itoobiya Oo Dhisaysa Dhuun Shidaal Oo Isku Xidha DDSI Iyo Jabuuti

Wasaaradda macdanta, shidaalka iyo gaasta dabiiciga ah ee Itoobiya ayaa heshiis la saxeexatay shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee POLY-GCL oo dhisaysa dhuun shidaalka ka qaadaysa dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya gaynaysana Jabuuti si halkaasi looga dhoofiyo. Shirkadda ayaa ilaa 2013 baadhis shidaal ka waday gobolka kilalka 5-aad.

Wasiirka macdanta iyo shidaalka ee Itoobiya Motuma Mekasa ayaa sheegay in la helay 5-6 trillion cubic feet oo gaasta dabiiciga ah. $4.3 bilyan oo dollar ayaa la qoondeeyay in mashruucani ku kaco, iyada oo $360 milyan oo dollar loo adeegsaday sahaminta.

Wasiirka ayaa sheegay in marka uu mashruucani hirgalo laga rajaynayo in uu Itoobiya soo galiyo sanadkii $1.4 bilyan oo dollar kaas oo la rumaysan yahay in uu sanadada soo socda kordhinayo dakhliga Itoobiya ilaa 7 Bilyan oo dollar.

Guddoomiyaha shirkadda POLY-GCL Mr Barton Yu ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii mashruucan u dhammaan laha 2020. Ra’isal wasaaraha Itoobiya iyo guddoomiyaha shirkadda ayaa ka arrinsanaya sida shidaalka loo gaynayo Jabuuti kadibna ilaa China loogu dhoofinayo.

Source: APA

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.