Dawladda Itoobiya Oo 528 Maxaabiis Ah Ooda Ka Qaadaysa

0
144 views

Dawladda Itoobiya Oo 528 Maxaabiis Ah Ooda Ka Qaadaysa

Xeer ilaaliyaha guud ee dawladda Itoobiya General Getachew Ambaye ayaa ku dhawaaqay in dawladdu sii daynayso 528 qof oo u xidhna arrimo siyaasadeed. Waxa uu sheegay in 115 qof u xidhnaayeen dawladda Federalka. Dadka la sii dayn doono wax aka mid ah Dr Merera Gudina oo ah hoggaamiye mucaarad ah oo Oromo ah kaas oo sanad ka hor la xidhay mar uu Yurub ka soo laabtay.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in dadkaasi ooda laga qaadi doono Arbacada iyada oo tababar ama dhaqan celin la siinayo Isniinta iyo Salaasada. Waxa uu sheegay in dadka xukunku ku dhacay la siin doono cafis iyada oo la raacayo nidaamka taasna ay muddo 2 bilood ah qaadan karto.

Dadka cafiska loo fidinayo waxa ka mid ah kuwa aan gaysan falal dil ah ama dhaawacyo halis ah, kuwa aan toos ugu lug lahayn dhibaato weyn oo loo gaystay kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwa aan dastuur jabin samayn, iyo kuwa si nabad galyo ah uga qayb galay arrimaha dalka ka dhacay.

Dawladda Itoobiya ayaa u aragta in cafiska siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadu daawo u yahay hannaan loo dhan yahay oo siyaasadeed in la helo kadib muddo dadku cadaadis dareemayay oo rabshado soo kordhayeen, waxaana loo arka in dawladdu hadda u aragtay in aanu xadhiggu xal ahayn

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.