Dawladda Ingiriiska Oo Ka Hadashay Doorashada Somaliland

0
152

Hargeysa(Sayruuq) Wasiir ka tirsan Dawladda Ingiriiska oo wax laga waydiiyay doorashada Somaliland ayaa sheegay in ay lacag badan ku bixin doonan sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen doorashada Somaliland ka dhacaysa 13 November, islamarkaana ay goobjoogeyaal u soo dirayaan si ay doorashada makhraati uga noqdaan.

Xildhibaan Kerry McCarthy oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirrul dawlaha ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo sooranka Rory Stewart, waxay weydiisay bal in dawlada Ingiriisku Somaliland u dirayso goob-joogayaal soo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland.

Wasiir Rory Stewart, ayaa su’aashaa kaga jawaabay “Ingiriisku wuxuu lacag dhan £202,017 ku bixinayaa 60-gooobjooge caalami ah oo xoog badan oo kormeera doorashada madaxtooyada Somaliland ee dib u dhacday ee hadda qorshaysan 13 November. Ka dib qandaraas lagu tartamay, goob-joogayaasha kormeeraya doorashada waxa hoggaamin doonta Jaamacadda la yidhaahdo University College London.

Geesta kale xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa iyaguna la filayaa inay goob-joog ka noqdaan doorashada madaxtooyada Somaliland, waxaanay arrimahani muujinayaan sida ay dawladda Ingiriisku indhaha si gaar ah ugu hayso doorashada madaxtooyada Somaliland oo loo dareeri doono 13 November 2017.

Source:Geeska Africa

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here