“Dawladda Hoose ee Hargeysa, waa meesha loo tirinaayo musuqmaasuqii ugu weynaa abid”

0
286 views

“Dawladda Hoose ee Hargeysa, waa meesha loo tirinaayo musuqmaasuqii ugu weynaa abid”
Siyaasi Jaamac Maxamed Cabdi(Jaamac Hilaac) oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ku eedeeyey in uu ka dhacay musuqmaasuqii abid ugu weynaa ee dalka ka dhaca, waxaana uu sheegay in tallaabaddii ugu horreysay ee Madaxweynaha laga filaayey ay ahayd siddii uu u kala diri lahaa Goleyaasha Deegaanka ee magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley iyo Burco oo uu dhammaantood ba ku eedeeyey in ay sameeyeen musuqmaasuq aan xad lahayn.

Mudane Jaamac Hilaac oo wareysi gaara siiyey Wargeyska Waaberi, ayaa sida oo kale sheegay in shacabka reer Hargeysa ay aad uga war-warsan yihiin ku sii noolaanshiyaha magaalada Hargeysa isaga oo sida oo kale na dhaliilay qaabka uu Madaxweyne Biixi u soo celinaayo hantida dawladda ee hore gacanta looggu geliyey shakhsiyaadka.

“Madaxweynahu waxa uu oggaa in dhibbaato fara badani ay dalka ka dhacdey oo ay ka mid yihiin hantidii umadda oo la boobey, musuqmaasuq xun oo khatar ah uu dalka ka dhacay oo hantidii umaddani wada lahayd ee loo soo wada dagaalamay la boobey oo gacanta dadweynaha ay si sharci darro ah ugu gashay, dalka na illaa maanta ma jiro xeer jideynaaya nidaamka loo maamulaaya hantida iyo umadda, markaa hanti kasta oo umaddeed oo la qaato ama wershad ha noqoto ama dhul bannaan ha noqoto ama dhisme ha noqotee waa sharci darro. Markaa qaabkan uu maanta u soo dhigay Madaxweynahu waxa ka fiicnayd isaga oo qorshe qaran oo dhibta intaa leeg wax laga ga qabanaayo uu la yimaado, kiina weli illaa maanta lamuu imanin.”.Ayuu yidhi Jaamac Hilaac

SIyaasi Jaamac Maxamed Cabdi oo sida oo kale hadalkisa sii wata, ayaa ka hadlay sida uu u arko Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo uu sheegay in uu aanu soo xulanin Xukuumad qaran, waxaana uu yidhi:- “Qaabkan uu Xukuumaddiisa u soo dhiseyna waxa ay u eeg tahay uun in isagu uu dawlad keligii dhistay laakiin dawlad qaran oo dalkan dhibta faraha badan ee ka jira wax ka qabata muu soo dhisin, haddey tahay siyaasad xumo, xeerarkii iyo shuruucdii oo fuli waayey iyo doorashooyinkii oo ay maanta adag tahay sida ay ku dhacdaa.”.

Siyaasi Jaamac Hilaac, waxa uu aad farta ugu go’dey goleyaasha deegaanka Somaliland oo uu sheegay in ay ahaayeen meelahi Madaxweynaha laga rajeynaayey in uu kala diro, waxaana uu ydihi:- “Musuq-maasuqu dalka oo dhan buu aafeeyey oo dawlad dhaxe iyo mid hoose ba leh, meelaha la doonaayey markii Madaxweynaha la doortay in uu wax ka qabtana waxa ka mid ah ta Goleyaasha deegaanka oo kale oo ay ahayd in uu Difreeto ku kala diro, in hanti dhowr Madax-bannaan oo qarankani lee yahay uu sammeeyaa bay ahayd si loo oggaado dhibbaatada ugu weyn ee musuqmaasuqu uu dalka u geystay. Markaa Madaxweynahu weli muu magacaabin guddi madax-bannaan oo musuqmaasuqan dawladdii hore iyo tan ba lagu eedeynaayo wax ka qabta.”.

Ugu dambeyn Siyaasi Jaamac Hilaac, waxa uu cod dheer ku sheegay in dawladda Hoose ee Hargeysa uu ka dhacay musuqmaasuqii ugu weynaa abid ee dalka ka dhaca isaga oo sida oo kale na iyaga musuqmaasuq la xidhiidhiyey dawladaha hoose ee Burco, Berbera iyo Gabilay ba.

“Hargeysa waad arkeysaa maanta oo dadku waxa ay ka war-warayaan sannad dabadii ma lagu sii noolaan karaa ba, meel la mar iyo meel la istaago iyo dhibta ka taagan ba waa la wada og yahay. Dawladda Hoose ee Hargeysa, waa meesha loo tirinaayo musuqmaasuqii ugu weynaa abid 27kii sannadood ee Somaliland jirtay, golahan deegaanka ee cusubi intii ay joogeen waxa ka dhacay musuqmaasuqii ugu weynaa, kuwii ka horreeyeyna kheyr may lahayd. Markaa waxa weeye ama Hargeysa ha noqoto, Berbera, Burco, Gabilay iyo tay doonta ba e’, dawladaha hoose ee afarta ah ee aan tilmaamay, waa afarta musuqmaasuqa khatarta ahi uu ka dhacay.”.Ayuu yidhi Jaamac Hilaac

Source: Waaberi

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.