Dawladda Hoose Ee Addis Ababa Oo La Noqotay Dhul Dhan 4,126,423M2 Oo Ay Hore U Bixisay

0
587 views
Dawladda Hoose Ee Addis Ababa Oo La Noqotay Dhul Dhan 4,126,423M2 Oo Ay Hore U Bixisay

Dawladda Hoose Ee Addis Ababa Oo La Noqotay Dhul Dhan 4,126,423M2 Oo Ay Hore U Bixisay
Addis Ababa(Sayruuq) Dawladda hoose ee magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa ka noqday 154 goobood oo hore heshiisyo loogu siiyay shakhsiyaad, shirkado ama hay’addaha dawladda. Dhulkan oo loo bixiyay in xarumo laga dhiso ama mashaariic laga hirgeliyo waxa uu isu gayn ka badan yahay afar milyan oo mitir oo isku wareeg ah.

Dhulkan ayaa lagala noqday Maalgashadeyaal, xafiisyada xukumadda, shirkadaha MIDROC Ethiopia, hay’adda dawladda Federaalka ah oo ay ku jiraan ciidamada Militariga, shirkadda isgaadhsiinta, safaarado iyo wakaalado kale. 96 ka mid ah 154-ka goobood waxay ahaayeen goobo hore loogu wareejiyay shakhsiyaad halka 30 iyo 18 ahaayeen meelo hay’addaha dawliga ah iyo safaarado la siiyay.

Maayar xigeenka Addis Ababa Eng. Takele Uma waxa uu sheegay in qiimayn lagu sameeyay dhulkan lagu ogaaday in inta dayrar lagu xidhay la iskaga tagay, islamarkaana aan loo isticmaalin ujeedooyinka ku qoran heshiisyada lagu bixiyay oo ah mashaariic horumarineed iyo dhismeyaal in laga hirgeliyo.

Waxa uu sheegay in dhulkan loo isticmaali doono mashaariic bulshada degaannada ay ku yaallan manfac u leh oo laga fulin doono. Waxa uu sheegay in heshiisyada dhulkan lagu bixiyay qaarkood ay ka soo wareegtay 14 sanno balse inta la dayray aan waxba lagu qaban, islamarkaana wax tafaasiil ah laga bixin waayay intii qiimayntu socotay.

Dawladda Itoobiya ayaa wadda isbedel xawli ku socda oo dhanka dawladnimada ah waxaana la rumaysan yahay in tallaabadani qayb ka tahay isbedelka dawladeed ee socda.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.