Dawlada Jabuuti Oo Sii Adkaysay Xidhiidh U Jarida Iran

0
521 views
Dawlada Jabuuti Oo Sii Adkaysay Xidhiidh U Jarida Iran

Dawlada Jabuuti Oo Sii Adkaysay Xidhiidh U Jarida Iran

Dawladda Jabuuti ayaa si buuxda u taageertay waddanka Marocco oo Salaasadii la soo dhaafay xidhiidhka u jaray dawladda Qadar. Waxay Jabuuti sheegtay in ay go’aankaas ku barbar taaggan tahay waddanka Marocco.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuut Maxamuud Cali Yuusuf ayaa qoraal u diray dhiggiisa Morocco Nasser Bourita waxaanu u xaqiijiyay taageerada Jabuuti “Waxaanu adkaynayna taageeradayada dhammaan tallaabooyinka aad ku damaanad qaadaysaan amniga dalkiina iyo degenaanshaha iyo wajihidda cid kasta oo isku dayda in ay curyaamiso wada jirka dalkiina iyo bad qabka bulshadiina,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.

Dawladda Morocco ayaa todobaadkii dhammaaday xidhiidhka u jartay dalka Iiraan kuna eedaysay in ay hub iyo taageero la barbar joogto kooxda Polisario front laakiin, Iiraan iyo Polisario ayaa eedaha ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.

Dawladda Jabuuti oo xulufo la ah Sucuudiga iyo waddamada uu hoggaamiyo ayaa hore xidhiidhka ugu jartay dawladda Iiraan.

Source:Moroccoworldnews

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.