Dawlad Degaanka Itoobiya Oo Dad Xidhxidhay

0
447 views
Warar Ka Soo Kordhay Madaxweynihii Dawlad Degaanka Soomaalida Ee Militariga Itoobiya Shalay Qaatay

Dawlad Degaanka Itoobiya Oo Dad Xidhxidhay

Dowlad deegaanka Somalida Ethiopia ayaa lagu eedeeyey xadhiga in ka badan 40 dhalinyaro ah oo laga qabqabtey Labadii Cisho ee la soo dhaafay magaalada Jigjiga. Dadka deegaanka ayaa arinkaasi cabasho xooggan ka muujiyey oo sheegay in dhalinyaro aan siyaasad ku shuqul lahayn laga dhex qabqabtey magaalada iyo guryahooda.
Abshir Axmed Shabeel oo ka mid ah dadka deegaaanka Somalida Ethiopia ayaa Sahra Cabdi Axmed oo ka tirsan VOA ay ku waraysatey khadka telefoonka ee dalkaasi Ethiopia.

Dhinaca kale, masuuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa sheegay in arinkan aanay waxba ka jirin. Wasiirka Warfaafinta maamulka Soomaalida Ethiopia Idiris Ismaaciil oo isla Sahra Cabdi Axmed ay telefonka ku wada hadleen ayaa sheegay in dhankooda ay arrintan jawaab ka soo saarayaan.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.