“Dastuur Qabyo Ah Oo Qudhun Ah Baa Meesha Yaalla,” Prof Cabdi Samatar

0
143 views

“Dastuur Qabyo Ah Oo Qudhun Ah Baa Meesha Yaalla,” Prof Cabdi Samatar

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in khilaafka ka taaggan meeqaamka Muqdisho ku yimid hoggaanka Soomaaliya oo aan lahayn mabaadii lagu socodo. Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyihii gobolka Benaadir ee xilka laga qaaday Mr Taabid ayuu soo kala dhex galay khilaaf culus oo ku salaysan xaqa Muqdisho leedahay.

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo BBC-du waydiisay halka uu khilaafkani salka ku hayo ayaa ku jawaabay “Khilaafkan aasaaskiisu waxan maanta jooga maaha ee wuu ka gun dheer yahay waxaanu salka ku haya; dadkan madaxda ahi barmaamij qeexan kumay iman meesha, ajande haybad loogu yeelayo qaranka oo lagu dhisayo kumay iman, waxa lagu yimid inta lacago la urursaday oo la isku darsaday si jagooyinka loo qaybsado, marka kolka mashaakilkii waddanku soo baxo ayaa la iska hor imanaya ilayn barmaamij iyo mabada lama wadaage,” Sidaas ayuu yidhi Cabdi Samatar.

Waxa la waydiiyay cidda xaq u leh go’aaminta meeqaamka Muqdisho oo beelaha halkaasi dega si weyn u danaynayaan waxaanu yidhi “Horta meesha sartu ka qudhuntay waxa weeye dastuur qabyo ah oo qudhun ah ba meesha yaalla oo aan laga shaqayn oo aan wali si wanaagsan loo darsin. Waxay ahayd in markii madaxweynaha baarlamaanka la soo doortay guddi madax bannaan oo aan Soomaalinimadooda su’aali ku jirin loo saaro oo ka shaqaysa sidii dastuurkan loo nadiifin laha. Meqaamka magaalada Muqdisho mar haddii la ogol yahay in ay caasimaddii Waddanka tahay baarlamaanka dhexe uun baa ka talin kara.”

Halkan kaga bogo waraysiga Prof-ka

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.