Darka Fanka (Qaaci) : Waxa qoray Cumar Seerbiya.

0
39
Darka Fanka (Qaaci) : Waxa qoray Cumar Seerbiya.

Darka Fanka (Qaaci) : Waxa qoray Cumar Seerbiya.

Fanka casriga ee Soomaalidu wuxuu ka dabqaatay fanka dunida carabta , oo dhammaan dhinacyada kala duwan ee qaab heesidda (Noodadka) iyo tumista Muusikada waxay iska shabahaan fanka Dadyawga carabta , waana Isha koowaad ee Soomaalida uu ka soo galay qalabka lagu tumo muusikada kaasi oo noqday bilawgii ilbaxnimada fanka magaalo galka ah ee Soomaalida.

Dhammaan dadkii Hoggaanka u qabtay fanka Soomaalidu waxay ahaayeen dad si ugu lug lahaa nolosha carabta iyo fankooda .Tusaale ahaan C/laahi Maxamuud Muxammed (Qarshe) wuxuu fahamka suugaanta iyo xiisaynteeda ka bilaabay dalka Yeman oo uu kula noolaa qaar ehelkiisa ka mid ah , waxaanu sida uu ku sheegay wareysi uu siiyey idaacadda Raadyaw Muqdisho sannadkii 1981 uu Hargeysa tagay isaga oo Kaban sita wallow ayna wax badan uga bilawnayn sannadkii 1945 waana cuudkii koobaad ee carro Soomaali gala inta la ogyahay.

Kabanku waa Muusik carbeed , waxaana isaga ka hor (Qarshe) lagu tumi jiray Def oo isaga laftiisu ka mid ah dhaqankii Carabta waana halkii uu ka bilaabay fankii Soomaalida oo Laxankii Balwada ee markii dambena loo bedelay Heello waxa lagu tumi jiray Def, waxaana la sheegaa in magaalada Saylac laga keeni jiray Defka oo haweenay magaceeda la iigu sheegay Mako ayaa u keeni jirtay koox uu ka mid ahaa Maxamed Siciid Gu’roonjire iyo Cismaan Beenaale oo gacanta ku hayey fanka Hargeysa ka hor inta ayna bilaabin kacdoonkii faneed uu C/laahi Qarshe hoggaaminayey.

Ka dibna fanka Soomaalida waxa asaas u noqday qaacidooyinkii uu ku dhisnaa fanka carbeed sida Cuudka (العود) ama kabanka oo ah Aalladda koobaad ee fanka carbeed iyo sidoo kale dhexyarta oo sidoo kale loo yaqaanno Violin oo ay dunida carabtana caan ku ah magaca (aman كمان )
Xilligaasi waxa bilaabay fan loo yaqaanno Qaraam oo ka dhigan Jacayl maddaama ay kalmaddu tahay carabi waxaana sidoo kale bulshada dhexdeeda ku faaftay heesaha nooca Qaaciga la Yidhaahdo (Qaaci waa asalka kalmad ايقاع) oo macnaheedu yahay qaab dhaca codka iyo jabaqda , waxaana qaaci la odhan karaa wixii lagu tumo qalabka , Kaban, Boonge/Def, iyo Dhexyarta oo ah wixii degan waxa meesha ka baxay in qaaci loogu yeedho , heesaha lagu tumo qalabka kale sida , Baytariga , Trumpet-ka (Turumbo) ,Piano, Sexphone iyo qalab kasta oo aanu dhawaqoodu deganayn (kululyahay).

1954 waxa la alifay labadii riwaayadood ee u horreeyey oo uu labada alifay Xuseen Aw-faarax Dubad Alle ha janneeyee kuwaasi oo kala ahaa ( Isa-seeg iyo Cantar iyo Ceebla’) labaduba waxay ka hadlayeen siday Soomaalidu uga xuntahay in dhulka Hawd And Reserve Area uu Ingiriisku ku wareejiyo dalka Ethiopia .

Inkasta oo sannadkii 1970-kii wixii ka dambeeyey ay fanka Soomaalidu soo galeen dad ilaa maanta saamayntoodii faneed ay muuqato hadana sannadkii 1967-kii waxa lagu tilmaamaa sannadkii ugu wax soosaarka cuslaa warshadda fanka Soomaalida , waxaana u dhashayQoyska fanka amaba la ogaaday hibo-faneedkooda dad ay ka mid ahaayeen , Axmed Mooge Liibaan , Aamina Cabdullaahi Xirsi , Axmed Cali Cigaal , Maryan Mursal Ciise, Aamina Feyr Xuseen , Maxamed Jaamac Joof , Faadumo Axmed Dhimbiil iyo kuwa kale inkasta oo ay hoboladan qaarkood ay sannadkan ka horreeyeen hadana waxaan dhihi karnaa sannadkaasi waxay ahayd kii ay doob dilaacsadeen.

Waxaana soo baxay dadka tumista kabanka ku wanaagsan sida Xasan Sabriye Afrax (Xasan Garayd) oo la sheego inuu yahay ninka Qaaciga ugu badan qabtay xilliyadaasi .
Bahdii Qaaciga waxa ka soo dhex-baxay nin uu qofkastaaba jeclaystay inuu u heeso , qofkastana u riwaaqay qaab heesidiisa hufan , sida uu erayga u soo saarayo iyo sida uu ula qabsaday qaabraaca codka , kabanka , Sacbinta ay caanka ku tahay fadhiyada lagu duubo qaaciga .

Sannadkaasi iyo kii ku xigay oo kaliya maaha ee ilaa 1990 amaba aan dhaho ila Maantadan aan qoraalka qoray wuxuu calanka u sidaa fanka Soomaalida (Qaaciga) taasi waxay sababtay in uu caan ka noqdo fankiisu Soomaalida Jabuzweuti , ta Keenya iyo inta u dhaxaysaba .

Ma jirto amaba way yartahay kulan qaaci ah oo la isugu yimaado kaasi oo aan laga qaadin ama laga daarin hees uu hore u qaaday isagu .Wuxuu ahaa nin aad u fahamsan hadalka iyo Kabanku siday isku raacaan , sida loo macaaneeyo codka marka uu kabanku dhawaaqayo , sida loo raaciyo sacabka iyo erayada dhiirigelinta u ah qofka goobta jooga , ka heesaya iyo kan jibaysan ee la haysta codka ka soo baxaya dhuuntiisa .

Yaanan ilaabin in heesaha uu qaaday badankoodu amaba aana dhaho dhammaantood ay ahaayeen kuwa socodka degan ah ama nooca loo yaqaano (Fogas) oo dabcan fadhiga iyo nasashadaba ku wacan .

Axmed Mooge Liibaan wuxuu ahaa qofka bulshada iyo bahda fankuba ay ugu jeclaayeen inuu uga heeso qaaciyada , heesihiisu waxay ahaayeen kuwa ugu badan ee Hadyad ahaan ay isugu diraan xilliyadii isgaadhsiintu xadidnayd. Ehelka iyo asxaabta kala maqan.
Ilaa maanta waa Boqorka Darka Fanka laga cabo ee Qaaciga Alle ha u naxariisto Axmed .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.