Daraasad la’aan. WQ/Cumar Sayid

0
274 views

Dalkeena marka hawlgal la samaynayo ama wax la unkayo, badanaaba si toos ah ayaa loo bilaabaa iyada oo aan la samayn daraasad rasmiya oo ku saabsan waxaas la fulinayo.

Waliba Hawul galada dawlada ayay ku badan tahay daraasad la’aantu, in kasta oo ganacsigana ay ka jirto marar badan.

Taasi waxay sababtaa inta badan in hawshaas la fulinayo ay fashilanto ama ayna si fiican u fulin oo ah sidii la rabay.

Maalin dhawayto oo aan ka qayb galay casuumad loo sameeeyay abtigay Bile rafle oo ah xidiga saraakiishii dawladaha soo maray ee lagu majeerto wax qabad, wuxu sheegay inaanu waligii samayn mashruuc bilaa daraasad ah oo aanu ka baaraan dagin. sidoo kalena mashruuc kasta oo aan sameeyo wuxuu ahaa mid dad waynahu isku raacay inay iyagu u baahan yihiin ee muu ahaan jirin mashruuc aan anigu soo hindisay ayuu si kooban u yidhi Suldan Bile rafle.
Arintii maalintii dhawayto dhalinyarada timaha lagaga jaray, arimo dhawr ah oo ka soo baxay wasaarada daakhiliga wakhtigii wasiir warancade joogay oo ay ka mid ahayd in gawaadhida waawayn ama booyadaha turuska hore laga jaro iyo kala badalkii labada wado ee hal bawlaha iyo ta dhakhtarka daba marta, intaasi tusaale fican ayay u yihiin, waxa lagu galay bilaa daraasad.

Waxa muhiim ah in marka arin mujtamaca saamayn ku leh la samaynayo ama amar soo baxayo in hayadaha dawliga ah ama wasaarada ay arintaasi qusayso ay samayso daraasad dhamaysitran oo marka hore isu keento dadka aqoonta arintaas u leh oo ay fadhiistaan.
oo si fiican loo darso ,qaabka loo fulinayo, (consequences) ama xaaladaha arintaas ku xeeran, xalalka dhaw iyo kuwa fog ee lagu furdaamin karo, qiimaha ay ku kacayso, khasaaraha ay keeni karto, sida loo yaraynayo khasaaraha, iyo waliba badiilkeeda ama ( alternate way ) kale ee looga wareegi karo hadii hawshu fuli waydo, iyo waliba wacyi galin ku filan.

Intaas marka la sameeyo, waxa soo baxaysa in natiijo fiican la helo, dad waynuhu waxay fahmayaan in dawladoodu soo diyaar garawday oo qorshe fiican la timid, taageero fiicana way la bar bar istaagayaan.
Diinteena arintaasi base ama sal ayay u tahay, oo waa in tashiga la badiyo intaan hawsha la galin.

WQ/Cumar Sayid

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.