Danjire Michael Keating Oo Ka Hadlay Xiisadda Tukaraq iyo Muranka Hawada Somaliland & Soomaaliya

0
203 views
Michael Keating

Hargeysa(Sayruuq) Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya/Somaliland Amb Michael Keating ayaa maanta kulan la qaatay  madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi. Dhinacyada ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimaha hor yaalla dawladda cusub.

Danjire Keating oo saxaafadda la hadlay waxa uu sheegay in ay Madaxweynaha isla eegeen arrimaha muhiimadda ay siinayso xukumadda cusub sida ammaanka, abaaraha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo arrimaha bulshada oo ay Qaramada Midoobay diyaar u tahay in ay wax kala qabato xukumadda cusub ee Muuse.

Danjiraha ayaa la waydiiyay xiisadda u dhexaysa Soomaaliya iyo Somaliland ee gobollada bariga “Halka aanu ka taaggan nahay waa in la joojiyo xiisadda oo si dhakhso ah wada hadal u bilaaban labada dhinac. Sidaas awgeed haddii ay jiraan waxyaabo la isku fahmi la yahay waa in la caddeeyo, haddii ay jiraan waxyaabo lagu kala duwan yahay waa in wada hadal lagu dhameeyo laakiin, ku xillinta tallaabo military iyo gacan ka hadal maaha habka lagu xallin karo arrimahan,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating.

Danjiraha oo wax laga waydiiyay khilaafka maamulka hawada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu sheegay in aanay hawadu noqon Karin aag lagu murmo haddii lagu murmana ay xidhmayso sidaas awgeedna ay haboon tahay in ay ka wada shaqeeyaan Soomaaliya, Somaliland iyo hay’adda ICOA ee hawada maamulaysay wax loo wada dhan yahay “Waa in si buuxda loo tixgeliyo heshiisyadii u dhexeeyay Hargeysa iyo Muqdisho si ay aasaas ugu noqdaan sida hawshan loo qabanayo, haddii ay ku jiraan waxyaabo la isla fahmi la yahay waa in la caddeeyo maxaa yeelay waa danta guud ee cid walba in arrintan la xalliyo, marka ma jirayso xaalad cidna guulaysato cidna khasaarayso waa uun guulaysasho iyo guulaysasho ama khasaare iyo khasaare, marka waxaan rajayn in sida ugu dhakhsaha badan loo xallin doono,” Sidaas ayuu yidhi Mr Keating.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.