Danjire Baashe Oo Talo Uu Siilaanyo Ka Qaatay Ku Aqbalay Safiirnimada Kenya

0
349 views
Danjire Baashe Oo Talo Uu Siilaanyo Ka Qaatay Ku Aqbalay Safiirnimada Kenya

Danjire Baashe Oo Talo Uu Siilaanyo Ka Qaatay Ku Aqbalay Safiirnimada Kenya
Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay isku bedel, magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyay dhawr ka mid ah wakiillada Somaliland ee dalalka dibadda. Digreetada madaxweynaha laguma sheegin sababta xilligan keentay isku shaandhaynta waxaanay kala yihiin masuuliyiinta la magacaabay
Baashe Cawil Cumar waxa loo magacaabay Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya waxaanu hore u ahaa wakiilka Somaliland ee Imaaraadka;
Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf) wakiilkii Maraykanka oo si weyn u taageeri jiray madaxweyne Biixi wakhtigii ololihii doorashada ee sanadkii hore.
Geesta kale Baashe Cawil Cumar wakiilkii Imaaraadka oo loo bedelay dalka Kenya ayaa la sheegay in uu bilawgii saluugay xilka loo bedelay, islamarkaana go’aansaday in aanu aqbalin sidaasna ku wareejiyo xilka Imaaraadka. Hase ahaatee sida uu wargeyska Waaberi xogta ku helay talo uga timid madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayuu dib uga noqday go’aankiisa kuna aqbalay safiirnimada Kenya.
“Xilku waa meerto oo waa sunne qofka halka la gaynayana waa awood uu leeyahay madaxweynaha JSL. Runtii go’aanka soo baxay ee madaxweynuhu iigu magacaabay safiirka Kenya waan soo dhaweynaya sida uu yahay ayaanan u qaatay, waxaanan hore u sheegay in aan barbar taaganahay Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi haddii aan xil hayo iyo haddii kaleba imikana nin xil laga qaaday ma ihiye nin xilkii uu hayay inta laga bedelay meel kale la geeyay(ayaan ahayd,” Sidaas ayuu yidhi Amb Baashe oo markii uu go’aankiisa bedelay la hadlay telefishanka Bulsho.
Danjire Baashe Cawil waxa uu ammaanay shaqada uu ka qabtay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta waxaanu sheegay in uu rajaynayo in uu kor u qaado xidhiidhka Somaliland iyo Kenya isaga oo xidhiidh bilaw ah ku tilmaamay cilaaqaadka Hargeysa iyo Nairobi.
Waxa uu ahaa masuul awood badan ku leh xukumaddii Siilaanyo, islamarkaana uu kobcay xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadku muddo saddex sanno ah oo uu xilka safiirnimo hayay.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.