Home Articles DAMIIRKA NOOLI WUU KU NOOLEEYAA. WARIYANIMADU MAAHA MAKARAFOON LA QAATO.

DAMIIRKA NOOLI WUU KU NOOLEEYAA. WARIYANIMADU MAAHA MAKARAFOON LA QAATO.

3 min read
0
0
519

Laba Wareysi oo ay kala qaadeen laba wariye oo u dhashay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland una wada shaqeeya HCTV, oo uu wariye walba wareysigiisa ku soo bandhigay heerka uu ka joogo aqoonta wariyanimo, heerka damiirkiisu gaadhsiisanyahay iyo waliba ilaa heerka uu jecelyahay dalkiisa hooyo ee Somaliland.

Wareysigii uu qaaday DUCAALE waxaa bilo dhan hadal hayey oo ku diirsaday shacbiga Somaliland, halka wareysigii uu qaaday ILLIG ay si weyn ugu diirsadeen cadowga Somaliland.

Aniga aragtidayda markaan labadaa wareysi daawaday waxaa iiga soo baxay, in wariye walba wareysigiisa ku soo bandhigay dalka uu u dhashay ee xaqa ku leh inuu uga faa,ideeyo mihnadiisa shaqo, marka fursadan oo kale soo marto. Wariye ILLIG wareysiga uu qaaday wuxuu ku doodayey in Xafiiska UNSOM Hargeysa laga furo, in Somaliland lagu soo casuumo oo ay ka qayb gasho shirka Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London iyo in ninkan UN ka socdaa uu ka hadlo oo uu soo farageliyo arimaha gudaha dalka Somaliland, sida maalgashiga u soo kordhay Somaliland ee DP WORLD iyo Saldhiga Milateri, nasiib wanaag intaba wuu ka diiday Ergaygani, oo u dhashay dalka Ingiriiska oo saaxiib dhaw la ah Somaliland. Wareysigii DUCAALE qaaday inoogama baahna sharaxaad badan, wuxuu ahaa mid ka turjumayey dareenka ay qabaan bulshada Somaliland, in mar uun su,aalahaa loo waydiiyo Madaxda booqashada ku timaada Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddii aad Youtubeka mar kale ka daawato, oo aad is barbar dhigto labada wareysi ee labadan wariye , waxaad si cad u ogaan doontaa heerka ay kala joogaan, markaad ka eegto dhinacyo badan, oo ay ugu horeyso heerka aqoonta wareyanimo, marka aad taa ka timaadana waxaad ogaan doontaa wariye walba heerka uu gaadhsiisanyahay dal jacaylkiisu, damiirkiisu iyo waliba qabkiisu.

Qalinkii Abdisalan M Ismail

Load More Related Articles
Load More By admin
Load More In Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also

Doonida Somaliland, “Haynala Degtee Jooga, Waa Damacsanaydeen” W.Q: Maxamed Haaruun

Qofna ma jecla in hoygiisu dumo, iyo xataa in dulin ama cayayaan yaryari ku dhasho toona. …