“Dalka Kaliya Ee Ku Khasaaraya Nabadda Ereteriya & Itoobiya Waa Jabuuti,” Warbixin Caalami Ah

0
722 views
Maxay Jabuuti Khadyaan Uga Taaggan Tahay Dacaayadda Reer Galbeedka?

“Dalka Kaliya Ee Ku Khasaaraya Nabadda Ereteriya & Itoobiya Waa Jabuuti,” Warbixin Caalami Ah

Xarunta caalamiga ah ee Atlantic Council ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in heshiiska nabadeed ee u bilaabmay Itoobiya iyo Ereteriya, uu halis gelinayo dalka Djibouti.

Warbixintan oo uu diyaariyay Kelsey Lilley oo ah agaasimaha Atlantic Council ee Afrika, wuxuu ku iftiimiyay in Ereteriya la wareegi doonto inta badan ganacsiga Itoobiya u soo dega ama ay dhoofiso, iyadoo Ereteriya uga dhowdahay ugana haboontahay Itoobiya, marka la garab dhigo dekedaha Djibouti, waxaanu heshiiskani sida warbixintu sheegtay oo saamayn toos ah ku  yeelanaya Djibouti uu walaac geliyay Madaxweyne Geele oo uu dalkiisu kooto ku haystay badeecadaha kala duwan ee Itoobiya 95%.

“Sannado badan Djibouti waxay ahayd cidda ku guulaysatay colaadii Itoobiya iyo Ereteriya. Dalkan yar ee leeg gobalka New Jersey oo dadkiisu ka yaryihiin hal milyan oo ruux wuxuu leeyahay istaraatajiyad juquraafiyadeed oo faa’iido leh. Xeebteedu waxay kulmisaa badda cas iyo gacanka Cadmeed, oo ah goob istaraataji ah oo ay iskaga gooshaan ganacsiga dunidu. Iyadoo ay dekedo ka jiraan Suudaan, Somaliland iyo Ereteriya, haddana adeegyada horumarineed ee Djibouti, degenaanshaha siyaasadeed iyo maalgashiga saaxiibtinimada leh ayaa ka dhigay meel ka soo jiidasho badan gobalka intisia kale. Natiijo ahaan, Djibouti waxay ku naalootay inay kooto ku haysato badeecadaha u socda ama ay dhoofiso dalka bilaa dekedda ah ee Itoobiya.” Sidaas ayay tidhi warbixintu.

waxaanay intaas raacisay “Maraykanku, sidoo kale wuxuu ka lahaa dano fog ammaanka Djibouti oo ay ku jiraan saldhiga Milatari ee Maraykanka ee qaaradda oo ah goobta lagula dagaalamo argagixisada bariga Afrika iyo jasiirada Carabta. Ilaa 4000 oo askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan saldhigaas,oo isticmaala madaarka ay wada jirka u isticmaalaan ciidamada iyo diyaaradaha drone-ka ah ee weerada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya. Iyadoo hoosta laga xariiqayo ahmiyada istaarajiyadeed ee ay u leedahay Pentagonal, wasiirka difaaca ee Maraykanka Jim Mattis ayaa booqday Djibouti April 2017, wax yar uun ka hor furitaanka saldhiga milatari ee u horeeyay ee China ku leeyahay Djibouti. Waxa iyaguna saldhigo cabiro kala duwan ah ku leh Japan, Faransiiska, Talyaaniga iyo Sucuudiga.”

Warbixinta waxa lagu sheegay in ganacsiga Itoobiya 95% uu maro Djibouti, taasina ay ka dhigtay Djibouti mid kooto ku haysata Itoobiya,  “Itoobiya iyo Djibouti waxay samaysteen xidhiidh siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka fog danaha guud. Markii dagaalka xuduudku ka dhex qarxay Itoobiya iyo Ereteriya sannadkii 1998, Itoobiya waxay weyday dekedii Ereteriya, waxaanay si weyn isugu halaysay dekedaha Djibouti inay waxna kala soo degto waxna ka dhoofiso. Qiyaastii 95% ganacsiga Itoobiya, wuxuu maraa Djibouti. Djibouti lafteedu waxay isku  halaysay jaarkeedan culus oo ay ka keensatay biyo iyio koronto. Faa’iidada ay Djibouti ka hesho dekedahaaeda Itoobiay waxa lagu qiyaastaa sannadkii 1 bilyan oo dollar, waana ahmiyada miisaaniyadda dawladda Madaxweyne Geele. Laakiin Itoobiya waxay u heshay qorshahan si qoto dheer waxaanay danaynaysay inay is balaadhiso oo ay hesho adeegyo dekadeed. Maraykanka sidoo kale, oo aan aad ugu qanacsanayn saaxiibtinimada madaxweyne Geele, gaar ahaan damaciisa inuu kiro ka soo saaro saldhigyo badan oo shisheeye intii suurtoga ah, oo uu ku jiro ogolaanshaha uu China ugu ogolaatay saldhig kilo mitiro u jira kan Maraykanka, wuxuu sababay in Maraykanku meesha ka baxo.”

Warbixinta waxa lagu sheegay in xiisada u dhaxaysa Ereteriya iyo Djibouti ee aan weli xalka la oo helin ay soo noqon karto, ka dib markii ay Qatar kala baxday ciidamadeedii kala dhex joogay “Xuduudka galbeed ee Djibouti wuxuu noqday dhul milatari ilaa markii isku dhacu bilaabmay sannadkii 2008. Qatar ayaa isku dayday inay dhexdhexaadiso, waxaanay xataa ku guulaysatay inay fududayso maxaabiistii la is dhaafsaday sannadkii 2016, ka hor intii aanay ciidamadeeda kala bixin xuduudka Djibouti iyo Ereteriya iyadoo ka xumaatay go’aankii ay labada wadanba kula safteen Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta khilaafka wadamada Khaliijka.”

Warbixinta machadkan oo ka hadlaysa dhaqaalaha Djibouti ka soo gala saldhigyada, lacagtaas oo sii xoojinaysa in Madaxweyne Geele talada sii hayo, waxaanay tidhi “China waxa la soo weriyay inuu sanandkii saldhigooda ka bixiyo 20 milyan oo dollar oo ah ilaa sannadka 2025, kuna darso oo xisaabta kuma jirto in ka badan 1 bilyan oo dollar oo uu China ammaahiyay. Maraykanku wuxuu bixiyaa sannadkii 70 milyan oo dollar oo ilaa ugu yaraan lix sannadood oo dambe ah, Faransiiskuna wuxuu bixiyaa 30 milyan oo dollar sannadkii oo ay ku jiraan arrimahooda ciidan. Faa’iidooyinkaasi waxay gacan ka gaystaan wax u muuqda dhaqaale barwaaqo ah. Djibouti koritaankeeda dhaqaale waxa la rajaynayaa inuu noqdo 7% mustaqbalka dhow. Laakiin sidaas oo uu yahay dhaqaalaha Djibouti, dadka badankiisu waa foqoro hoose, aan horumarin waxaanay la haystayaal u yihin keli-talisnimada madaxweyne Geele. In ku dhow rubuc dadka waxay ku noolyihin saboolnimo qayral caadi ah, waxaanay Djibouti ku xuntahay xuquuqda siyaasadda iyo  xuquuqda shacabka”

Sidaas daraadeed, machadku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in heshiiska labadan wadan ee Itoobiya iyo Ereteriya aanu war wanaagsan u ahayn Djibouti, waxaanay warbixintu tilmaamaysaa inay Ereteriya u waregi karaan Itoobiya iyo Maraykankuba,  “Wada hadallada nabadda ee Itoobiya iyo Ereteriya, war xun bay u yiiin Geelle, oo horumarka dalkiisa ku xidhay in uu dekedda ugu fiican u noqdo dalalka dhaqaalahoodu weynyahay, sida Itoobiya. Iyadoo loo malaynayo inay sii socdaan dedaalada in xaaladu caadi noqoto, Itoobiya waxay sida ugu dhaqsaha badan ikhtiyaar ugu heli doontaa inay isticmaasho dekedaha Ereteriya oo aad ugu dhow, kana haboon kuwa Djibouti. Iyadoo aan la filayn in Itoobiya ay joojiso isticmaalka dekedaha Djibouti dhammaantood, ikhtiyaar ayay haddana leedahay. Ereteriya xataa waxay muujin doontaa inay noqoto saaxiib soo dhaweeya milatariga  shisheeye sidii ay hore ugu ogolaatay Imaaraadka Carabta dekedda Casab si uu  u fuliyo dagaalada Yemen. Mid ka mid ah caqabadaha Itoobiya soo waajahaya haddii ay ka tagto Djibouti, ayaa ah inay waajib ku tahay inay dib u celiso in ku dhow 3 billion oo dollar oo ah amaahada China ee lagu dhisay jidka tareenka dhawaan la furay ee isku xidhaya Addis Ababa iyo Djibouti.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii ay dalalka shisheeye ee Djibouti ku sugani raacaan Itoobiya oo ay u wareegaan Ereteriya in taasi halis gelin doonto il dhaqaale oo muhiim u ah dalka Djibouti.

“Sannadahan u dambeeyay” ayaa lagu yidhi qoraalka, “Imaaraadka Carabta oo kordhiyay danahooda gobalka Geeska Afrika waxay sii adkeeyeen xaaladii adkayd ee Djibouti. Imaaraadka Carabtu wuxuu saldhig ka helay Ereteriya, wuxuu saldhig milatari iyo deked ka helay Somaliland iyo dhawr dekeadood oo Puntland ah. Laakiin xidhiidhka Djibouti iyo UAE wuu kacsanaa ilaa February 2018 markii ay Djibouti laashay heshiiskii shirkadda DP world ee gacan ku haynta dekedda ugu muhiimsan Djibouti. Warar hore oo soo baxay ayaa tilmaamay in UAE ay door ka ciyaartay isfahamka Itoobiya iyo Ereteriya. Iskaashiga koraya ee ay Imaaraadka Carabta ee Itoobiya oo dhawaan dekedda Berbera ka siiyay saami dhan 19% oo ay ku wada jiraan DP world iyo Somaliland ayaa sidoo kale ah marag u ah kala duwnaanshahiyaha gobal ee hoosta in laga xariiqo mudan.”

Ugu dambayn warbixinta ayaa sheegtay in Madaxweyne Geele heshiiskan u arko inuu khatar ku yahay, waxaana lagu soo gunaanaday in mar kasta oo uu sii xoogaysto xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara ay soo deg degayso inay soo gaabnaato istaraatajiyada iyo ahmiyada Djibouti, iyadoo xalinta colaadani sii xoojin doonta degenaashaha gobalka Geeska Afrika.

Source: Geeska

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.