Dajinta Khilaafka Golaha Deegaanka Ee Burco, Doorka Wasaaradda Daakhiliga Iyo Doorka Wasiir Cali Mareexaan

0
1 views

Burco (Sayruuq)-Todobaadyadii ugu dambeeyey waxaa saaxafadda gudaha iyo baraha bulshadu ku kulanto ku soo noqnoqonayay khilaaf u dhexeeyey golaha deegaanka ee degmada Burco ee gobolka Togdheer, wararkaasi khilaafkaasi ku saabsan ee warbaahintu baahisay ayaa muujiyey in khilaafkani ee meel sare gaadhay isla markaana ay mudan tahay in loo kala gurmado labada dhinac.

warankaSabtidii todobadkan ayay xildhibaano ka soo horjeeda maayirka Burco Maxamed Cabdiraxmaan Muraad ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen isla markaana ay mid cusub doorteen, balse wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa arrintaasi beenisay waxaana ay wasaaradda daakhiligu sheegtay inaan la soo gaadhsiin sifo sharci ah oo maayir Muraad xilkii lagaga qaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo arrintaasi ka hadlay ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay ficilada ay sameeyey xildhibaanada golaha deegaanka ee Burco waxaana uu sheegay inay Somaliland dhaaftay wakhtigii uu qof waliba wuxuu doono samayn lahaa, wasiir warancadde oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Sharciba jiraa, dawladaha hoosena waxay hoos yimaadaan Wasaaradda arrimaha gudaha markaa sharcigaas ayaa loo maraa haddii shaqada la isu garan waayo, waxaana lagu ridi karaa in aqlabiyaddu is raacdo oo ay u soo gudbiyaan badhasaabka, badhasaabkuna anigu ii soo gudbiyaa markaas ayaanu sharciga waafajinaa, hase yeeshee arrintan aynu TV-yada ka maqalnay laba maayir ayay Burco leedahay, Burco laba maayir ma lehee waxay leedahay Maayir kaliya oo sharci lagu doortay dalkeenuna wuu dhaafay wakhtigii nin waliba wuxuu doono samayn jiray si sharci ah ayuuna ku tagi karaa maayirku golayaasha deegaankuna way yaqaanaan sida maayirka lo eryo”

sidoo kale Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) oo masuul ka ah gabi ahaanba gobolka ayaa sheegay inay arrintaas gacan bir ah ku qabanayaan isla markaana waxa uu labada garab uga digay inay warbaahinta hadalo isu mariyaan, waxaana uu Guddoomiye Qabo yihdi:

“Golaha deegaanku labo ayuu u kala jabay, qoladii ku dhawaaqday waxa qayrul sharciga ahna waanu is aragnay si fiican ayaanu is waraysanay markaa waxaanu isla garanay inay arrintaasi qayrul sharci ahayd gole deegaan marka uu maayirka xilka ka qaadayo xeerba leeyihiin kooramku waa inuu buuxsamo anigoo guddoomiyaha gobolka ahina inaan warqadda ogolaanshaha u qoro, labadii midna may haysan laakiin arrin cadho ka keentay ayay ahayd waxaanu isla garanay in sulux lagu dhameeyo, waxaana aanu halkan ka faraynaa dhinacyada inaan wax damba warbaahinta cid dambe ka hadli doonin”

Geesta kale wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guryaynta Cali Xasan Maxamed oo arrintan dhexda u xidhay ayaa door muhiim ah ka qaaday dejinta xaaladda golaha deegaanka ee Burco, balse illaa hadda lama saadaalin karo cidda gacanta sare yeealan doonta.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here