“Dagaalkii Hadalkayga Joojiyay,” Suldaan Maxamed

0
635 views
Suldaan Oo Farriin U Diray Madaxweynaha DDSI

“Dagaalkii Hadalkayga Joojiyay,” Suldaan Maxamed

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa iclaamiyay in uu joojiyay shirka beelaha Garxajis ee dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa in lagu qaban doono guga soo socda gobolka Togdheer. Waxa uu sheegay in uu gabi ahaanba shirkaasi hakiyay ilaa amar dambe.

Waxaan leeyahay shirkaas dib baan u dhigayna mana qabanayno imika iyo wakhti kale ilaa wakhti kale aanu ka iclaamino sidaas ayaan ku hakiyay shirkii,” Sidaas ayuu yidhi Suldaanka oo aanay la joogin madax dhaqameed tiro badan oo maalintii hore kula dhawaaqay lamana oga in ay arrintaasi ku raacsan yihiin iyo in kale.

Suldaanka ayaa isla ku dhawaaqida shirka waxa uu raaciyay hadal uu xukumadda ku dhalliilay oo ahaa in ay la safan tahay beel ka mid ah kuwa Ceelafweyn ku dagaallamaya laakiin, arrintaasi waxa uu ka bixiyay raalli galin. Waxa uu sheegay in dhalliishiisu ku socotay xukumadda laakiin, uu xaal ka siinayo cid kasta oo dhibsatay hadalladiisa.

“Waxaan leeyahay Somaliland waa muqadas maaddaama aan anigu ahay Suldaankii guud, ka bari jira iyo ka galbeed jooga intaba anigu Suldaan baan u ahay mana odhan karo waar islaaya. Xukumaddana ha la taageero madaxweyne Muusena waxaan leeyahay Alle ha ka dhigo madaxweynihii jira ee jooga,” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Geesta kale Suldaanka ayaa la waydiiyay in hadalladiisu iska hor imanayaan waxaanu keenay in Dhaka faarka dadku mararka qaar kaa keenayo hadallo kulul laakiin, aanay wax mushkilad ahi ka iman. Waxa uu sheegay in luuqadda adag ee uu ku hadlay dab damis u noqotay beelihii isku dilayay Dararweyne waxaanu ku baaqay in salaaddiintu ka hawlgasho dib u heshiisiinta beelahaasi.

 

Shirweynaha Beelaha Garxajis Oo La Cayimay

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland“Madaxweyne Muuse; Waxaan Qabaa Inuu Khaladaad Badan Oo Dalka Laga Galay Uu Sixi Doono”

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.