Dagaalka sucuudigu hogaaminaayo ee ka dhanka xuutiyiinta.. W/Q: Cabdixakim Maxamed Axmed

0
35 views

Xutiyiintu waa koox aaminsan in ay yihiin Muslimiin shiico ah, waana qaybta loo yaqaan laba iyo tobon layda shiicada , waana qaybta ka talisa dalka iiraan .

Xutiyiintu waxay Yeman ka dagan yihiin dhinaca galbeed ee dalka, waxayna madahabtani ku faaftay dalka yeman dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka 1960.

Magaca Xusiyiin wuxuu ka soo jeedaa hogaamiyahoodii ruuxiga ahaa ee la odhan jiray Badru diin alxusiyi iyo xidigoodii la odhan jiray Xuseen alxusiyi kuwaas oo ay dileen dawladu.

Tiro ahaan xusiyiintu waa dad yar waxaana lagu qiyaasaa in aanay

kaba badnayn 300,000 waxayna inta badan taageero dhaqaale iyo mid hub ka helaan dawlada Iran.

Dawlada sucuudiga iyada oo kaashanaysa Suniyiinta waxay balan ku qaaday in ay dagaal la gali doonta kooxdan yar ee dhibka iyo hagardaamooyinka ku haysa suniyiinta ku nool yeman iyo xuduuda sucuudiga ee uu la wadaago dalka yeman.

Sanaddii 2009 ayaa wuxuu dagaal ku dhex maray sucuudiga iyo xusiyiinta xuduuda u dhaxaysa labada dal taas oo jabhada ay leeyihiin xusiyiinta ku soo ganay gantaalo askarta joogta xuduuda oo intaas ka dibna la galay dagaal ciidanka sucuudiga ee xadka deganaa taas oo la aamisanyahay in ay ciidankaas soo dirta ilaalada khaaska ee Iran, taas oo markii danbe ka laga guulaystay oo laga adkaaday jabhadii xutiyiinta .

Sababaha sucuudiga ku kalifay dagaalka xutiyiinta :

1. Sir ay heshay dawlada sucuudigu taas oo ogaatay in ay Xutiyiintu doonayaan in ay dagaal ku qaadaan sucuudiga oo ay waliba qabsadaan gobalda iyaga soo xiga .

2. Xukuumada Yeman waxay ku guul daraystay in ay ka adkaato jabhada Xusiyiinta .

3. Xutiyiinta lafdigooda oo noqday isbahaysi adag oo maalinba maalinta ka dabaysa sii awoodaysanaaya , taas oo khatar ku noqon karta sucuudiga.

4. Sheegashada ay sheegteen in ay xutiyiitu ka go’ayaan dalka yeman oo ay dhisanyaa dawlada u gaar ah.

5. Sucuudiga oo aamisan in ay jabhadani khatar ku tahay dhinaca diinta iyo amaankiisa.

Intaas ka dib sucuudiga isaga oo kaashanaaya wadamada khaliijka wuxuu dagaal ku qaaday xutiyiinta taas oo uu teegeero maaliyadeed iyo mid hubba ku taageeray xukumada jilicsan ee yaman , imikana wuxuu marayaa dagaalkii xili gabagabo ku dhaw laakin waxaa jira warbixino la helaayo oo sheegaaya in aanay sahlanayn in laga adkaano karo xutiyiinta inta laga joojinaayo taageeradan joogtada ah ee ay kahelaan dalka Iran.

Dagaalka ka dib maxaa soo baxay

1. Waxaa sucuudiga u suurto gashay in ay seddex cisho kaga saaraan magaalooyinkii ugu waawaynaa ee ay haysteen xutiyiintu .

2. Xutiyiintu mar danbe ma awoodi karayaan in ay qabasdanaan magaalooyinka ku teedsan sucuudiga

3. Waxaa la dilay oo dhegta dhiiga loo raaciyey in ku dhaw 1500

Inta badan waxaa xaqiiq ah in ay dalwada iiraan aamisan tahay in ay ka masuul tahay cid kasta oo haysta madahabta shiicada ah halka Sucuudiguna uu aamisan yahay in uu ka masuul yahay cidda kasta oo haysta madahbta Sunigaa, waana sababtaa ay Iran tahay dalwada hubaysa Xutiyinta.

La soco qaybta ku xigta

W/Q: Cabdixakim Maxamed Axmed

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here