Dagaal Saaka ka Qarxay Aagga Tukaraq

0
1,364 views
Dagaal Saaka ka Qarxay Aagga Tukaraq

Dagaal Saaka ka Qarxay Aagga Tukaraq

Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in aagga Tukaraq ee gobolka Sool uu ka qarxay dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ka jawaabeen weerar ay soo qaadeen ciidamada Puntland. Sidoo kale dhanka Puntland ayaa dagaalka u xaqiijiyay BBC-da.

Arrintan ayaa imanaysa iyada oo Somaliland si weyn looga walaacsan yahay xiisadda ka dhalatay dagaal beeleedka ka soo noqnoqday degaanka Ceelafweyn oo saamayntiisu shalay ku fiday Ceerigaabo iyo Burco. Sidoo kale maanta ayaa loo dabaal degaya maalinta Qaran ee 18 May oo wakhtigeeda laga soo hormariyay.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Somalia Amb Michael Keating ayaa todobaadkan isaga dabqaaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiwali Gaas-ka Puntland si looga baaqsado dagaallo ka qarxa Tukaraq.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here