Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Puntland

0
1,140 views
Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Puntland

Dagaal Culus Oo Xalay Ka Dhacay Puntland

Dagaal culus oo saacado badan qaatay ayaa xalay ka dhacay degmada Balli Khadar oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland, halkaasi oo u dhaw buuraha Galgala. Ciidamada badda ee Puntland oo loo yaqaanno PMPF iyo maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay in dagaal culus ku dhexmaray Saldhigga PMPF halkaas ku leeyihiin.

Wararka ka soo baxay dagaalka ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab weerareen saldhigga. Lama hubo in ay qabsadeen laakiin, Saraakiisha ciidamada Puntland oo ay soo xigatay warbaahinta Garoweonline ayaa u sheegay in ciidamadu ka baxeen Saldhigga isaga oo aan tafaasiil ka bixin in laga qabsaday saldhigga iyo in sababo kale uga baxeen.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana khasaaraha ka dhashay wali aan faahfaahin laga hayn maaddaama dagaalku ahaa habeennimo.

Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku hawlana ciidamo urursi ka dhan ah Somaliland kadib xiisadda ka taaggan Tukaraq waxaana hore weerarro noocan ahi uga dhaceen aagga buuraha Galgala oo inta badan Puntland sheegto in ay ciidamo Shabaab ah kula dagaallanto.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here