Dagaal Beeleed Dib Uga Bilawday Ceelafweyn

0
811 views
Dagaal Beeleed Dib Uga Bilawday Ceelafweyn

Dagaal Beeleed Dib Uga Bilawday Ceelafweyn

Dagaal beeleed ayaa dib uga soo cusboonaaday maanta deegaanka Darar weyne ee degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag. dagaalka ayaa la rumaysan yahay in uu  khasaare gaystay laakiin, wali faahfaahin lagama hayo.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii maalintii shalay halkaasi lagu dilay hal qof oo la sheegay in uu ahaa xoolo dhaqato.

Wariyaha HCTV ee Ceel-Afweyn ayaa sheegaya in gudaha magaalada Ceel-afweyna laga maqlaayo rasaas ay ridayaan ciidamada Somaliland Kuwaas ka hortaagaya gurmadka ciidan beeleedyada Dararweyn u socda.

Waxa dib u dhacay socdaal madaxweynaha Somaliland iyo ergo balaadhan oo daminta colaadda u socday ku tagi lahaayeen Ceelafweyn 1-dii bishan waxaanay u muuqata in ay ka sii darayso xiisadda labada beelood.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.