“Dadka Seexda Maalmaha Fasaxu Waxay Helaan Cimri Dherer,” Daraasad

0
256 views
“Dadka Seexda Maalmaha Fasaxu Waxay Helaan Cimri Dherer,” Daraasad

“Dadka Seexda Maalmaha Fasaxu Waxay Helaan Cimri Dherer,” Daraasad

Washington(Sayruuq) Hurdada maalmaha fasaxa ee todobaadka ayaa laga helaan dareen cajiib ah, siiba dadka aan wakhtiga fiican u helin hurdada shaqada badan ee todobaadka awgeed. Sidaasi waxa lagu ogaaday daraas todobaadkan la daabacay.

Filasoofar Torbjorn Akerstedt oo madax ka ah waaxda cilmi baadhista diiqadda(Stress Research) ee jaamacadda Stockholm (Sweden) iyo kaaliyeyaashiisa ayaa daraasad ka sameeyay sida ay seexashada saa’idka ah ee maalmaha fasaxu hurdada ugu dhammaystiri karto dadka shaqada todobaadka aan ka haleelin seexashada wakhtiga loogu talo galay.

Daraasaddan oo todobaadkan lagu daabacay Joornaalka Sleep Research waxay Torbjorn Akerstedt iyo kaaliyeyaashiisu daraasadda ku saleeyeen 38,000 oo qof oo muddo 13 sannadood ah la raadraacay hab dhaqankooda maalmaha fasaxa ee todobaadka waxaana lagu sheegay in hurdada dheeraadka ah ee maalmaha fasaxu buuxinayso inta ka dhinnayd maalmaha todobaadka ee aanu qofku ka wada bogan hurdada loogu talo galay in uu seexdo oo 7-8 saacdood ah.

Daraasadaha hore looga samayn jiray seexashada dadka waxay xoogga saari jireen in la tiriyo saacadaha qofku celcelis ahaan seexdo habeenkii iyada oo aan la kala saarin inta uu qofku seexdo habeennadiisa fasaxa iyo habeennada kale. Waxaana la sheegaya in dadka da’doodu ka yar tahay 65 ee seexda todobaadka oo dhan habeenkii 5 saacdood ama in ka yar ay ka cimri gaaban yihiin kuwa dodobaadka oo dhan habeen walba seexda 7 saacdood ama ka badan.

Hase ahaatee daraasaddan cusub waxay leedahay dadka maalmahooda fasaxa si fiican u seexda waxay la cimri dherer noqonayaan dadka todobaadka oo dhan hurdo fiican seexda. Waxay sheegayaan dadka saacado dheeraad ah hurdadooda maalmaha fasaxa ku dara in ay la mid yihiin dadka 7 saacdood habeen walba seexda todobaadkii.

Filasoofar Torbjorn Akerstedt waxa uu sheegay in dadka maalmaha fasaxa soo magdhawda hurdada ay maalmaha kale haleeli waayeen u fiican tahay dadka hurdada baahida u qaba inkasta oo uu hoosta ka xariiqay in aanay daraasaddu ahayn gabogabo si buuxda loogu go’aan qaadanayo.

Khubaro kala duwan oo arrintan ka faallooday ayaa sheegay in ay baahan tahay baadhitaan dheeraad ah. Michael Grandner,oo madax ka ah waaxda Hurdada iyo cilmi baadhista caafimaadka ee jaamacadda Arisona ayaa isagu ku dooday in loo baahan yahay in si balaadhan cilmi ahaan loo darso arrimaha ay xambaarsan tahay daraasadda cusub isaga oo sheegay in aanay hurdadu ahayn lacag bangi la dhiganayo oo maalmaha fasaxa lagala soo baxayo.

Source Wargeyska Waaberi

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here