Dadka Ingiriiska Oo Si Xawli Ah U Qaadanaya Dhalashada Jarmalka

0
814 views
Dadka Ingiriiska Oo Si Xawli Ah U Qaadanaya Dhalashada Jarmalka

Dadka Ingiriiska Oo Si Xawli Ah U Qaadanaya Dhalashada Jarmalka
Berlin(Sayruuq) Xafiiska diwaangelinta ee dawladda Jarmalka ayaa Arbacadii shaaciyay in ay muwaadiniinta Ingiriiska oo ka faa’iidaysanaya inta aanu dalkoodu ka bixin midawga Yurub ay si xawli ah u qaadanayaan dhalashada Germany. Waxa uu xafiisku sheegay in tirada dhalashada qaataday sanadkii 2017 toban jeer ka badan tahay intii qaadatay sanadkii 2015 taas oo si badan u korodhay markii Ingiriisku go’aansaday in uu ka baxo midawga Yurub.
Xafiisku wuxuu sheegay in arrintani la xidhiidho tallaabada dawladda Ingiriisku ku goosatay in ay ka baxdo Midawga Yurub. Waxa dhalashada Jarmalka la siiyay sanadkii 2017 ilaa 7,500 oo reer ingiriis ah taas oo ku laba jibaarmaysa intii sanadkii hore qaadatay. Sanadkii 2015 waxa dhalashada Jarmalka qaatay 622 qof oo Ingiriis ah waxaana muuqata in ay xawli ah u kordheen labadii sanno ee u dambeeyay oo Ingiriisku xammaantiisa ka urursanayo midnimadii Yurub.
Jarmalka ayaa sanadkii tagay dhalasho siiyay 112,200 qof oo shisheeye ah waxaana ugu badan muwaadiniinta Turkiga oo gaadhaysa 14,984 qof halka dalka labaad noqday mudaawiniinta Ingiriiska oo ah 7,500 qof, Poland, Talyaaniga iyo Romania ayaa ku sii xiga.
Xafiiska ayaa sheegaya in dadka reer Ingiriis ee u degdegaya qaadashada dhalashada Jarmalka da’doodu tahay aniga 30 jir ilaa 50 jir.
Dawladda Ingiriiska ayaa ka baxday iskaashiga Yurub iyada oo hawlaheeda si madax bannaan u wadanaysa waxaana ilaa hadda socda kala gurashada Yurub iyo Ingiriiska.
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.