Dacwadda Naciima Qorane Oo La Soo Gabagabeeyay

0
1,174 views
Xukunka aFadeexad: Falal Lagula Kacay Naciima Abwaan Qorane Muddadii Ay XidhnaydNaciima Qorane Oo La Dhalliilay

Dacwadda Naciima Qorane Oo La Soo Gabagabeeyay

Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa soo gabo-gabaysay dhageysiga dacwada lagu soo oogay Naciima Abwaan Qorane. Ciidamada Sirdoonka Somaliland ayaa Naciima ku xidhay madaarka Hargeysa 27 January iyada oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho oo ay muddooyinkii u dambeeyay ku noolayd.

Horraantii bishan ayay xeer ilaalinta Somaliland soo gudbisay dacwad xambaarsan eedaha loo haysto oo haddii lagu helo ay wajahayso xadhig gaadhaya 8 sannadood.

Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) madaxa xarunta xuquuqal Iisaanka ee HRC ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay markii eedda la soo gudbiyay in Naciima lagu eedeeyay in ay dibadda ka abaabulaysay arrimo Qaranka ka dhan ah iyo in ay xaqiraysay Somaliland. Dambiyadan ayaa haddii maxkamaddu ku hesho ciqaabtoodu noqonaysa 8 sannadood oo xadhig ah.

Xarunta HRC waxay sheegtay in dastuurka Somaliland damaanad qaaday xorriyadda hadalka sidaas awgeedna ay xukumadda ka codsanayaan in la sii daayo Naciima.

Abwaanad Naciima ayaa la xidhay iyada oo Xamar ku sii socota waxaanay hore ugu ololaysay midnimada Soomaaliya iyada oo Muqdisho joogtay sanadihii u dambeeyay laakiin, la qabtay iyada oo u timid Aabaheed oo xanuunsaday sida uu sheegay aabaheed Abwaan Qorane.

Eedaga Xeer ilaalinta

Dacwadda Naciima Qorane Oo La Soo Gabagabeeyay

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here